.


Home | Free Webs | Your Email | TellFriend | Search | Feedback | | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
WARARKA Puntland: Febraayo.16.2002 | Febraayo.14.2002 | Febraayo.13.2002 | Febraayo.12 | Febraayo.11 | Wararkii.Hore
DOOD FURAN: RA'YIGAAGA TOOS U DHIIBO:
Somalitalk.com/doodfuran/puntland

XAFIISYADA DALSAN KA EEG: http://somalitalk.com/dalsan
Khudbadii Madaxweynaha DGPL uu ka jeediyay furitaankii kalfadhigii kowaad ee Golaha Xeerdejinta DGPL

Mudanayaal,

Rabbiga awoodda leh oo qura ayaa iska leh ka mahadnaqa suurtogelinta qabsoonka shirkan aan ku furayno Kalfadhiga 1-aad ee Golaha 2-aad Xeerdejinta Dawlad-Goboleedka Puntland, oo aan aaminsannahay inuu baal dahab ah ku yeelan doono taariikhda ummadda Soomaaliyeed, guud ahaan, iyo tan shacbiga Puntland, gaar ahaan.

Kalfadhigan, oo ka tarjumaya doonista dadka iyo taabogelinta Axdi-Qarameedka Puntland, ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli dabeecad ahaan aad u adag oo khalkhal siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid nabadgelyo, oo saameyn weyn lihi, ay jiraan. Kalfadhigani wuxuu kale oo uu furmayaa waqti ay Dawlad-Goboleedka Puntland ku herdamayaan dimuqraadiyad curdin ah, oo haddii Rabbi idmo aan dib u noqonayn iyo kelitalisnimo gaamurtay oo aan geerida oggolayn.

Siyaasadda Adduunka

Haddaba, si aynu isula garano xaaladda aynu ku sugannahay, waxa lagama maarmaan ah in aynu ku horrayno qiimaynta siyaasadeed ee uu ku sugan yahay adduunka aynu ku kor noolnahay, taasoo raad weyn ku leh duruufaha qallafsan ee Soomaaliya la soo dersey. Waxa mudan in la ogaado in aan ku dul dhaqannahay adduun ay hirgelayso jaangoyn hore loogu dejiyey oo ay galti ku yihiin dadyawga aynu ka midka nahay. Waxaan uga jeedaa, shucuubta adduunku ma wada oga xog-ogaalna uma wada aha geedisocodka siyaasadda adduunka.

Waxa uu Kalfadhigani la koowsaday qarni cusub oo cilmiga iyo aqoonta farsamadu uu marayo heerkii ugu sarreeyey ee uu weligiis binu-aadmigu gaaro, kaasoo sida loo noolyahay, sida loo shaqeeyo iyo dhismayaasha dawliga ahba waxa weyn ka beddelay. Waa xilli ay bulshaweynta caalamku ku wada nooshahay wax-wada-qabsi iyo qawaaniin ay wada dhigteen oo ka dhexeeya iyo isufurnaan buuxda oo si weyn laysu dhexgalay; waa waqti dadku u qaybsan yahay kuwo dhaqaale leh oo horemaray iyo kuwo u shaqeeya oo sabool ah; waa qarni ay hoggaaminta siyaasaddu si toos ah ugu xiran tahay hantida iyo himilada uu qaran waliba tiigsanayo; waa seben aan u-xilqarinayn kelitalisnimada iyo amarkutaaglaynta;

"xilli weeye cidla lagaga tegayo ciddii aan lahayn saxiib adag, dhaqaale xooggan iyo qorshayn sugan oo samatabixiya"

waa xilli aanu dheellitirnayn awoodqaybsiga iyo hoggaaminta siyaasadda adduunku "xilli weeye cidla lagaga tegayo ciddii aan lahayn saxiib adag, dhaqaale xooggan iyo qorshayn sugan oo samatabixiya"

Isbeddelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dhammaadkii qarnigii labaatanaad oo sida isdabajoogga ah u dhacayey ayaan si kama` ah ku iman, balse ahaa kuwo ku sargo`an xaaladda kala-guurka ah ee uu adduunku marayo. Waxa tusaale inoogu filan sida isu-ekoonida leh ee ay u dhacayeen isbeddeladii isku dhalanka ah ee la soo gudboonaaday dalalka ay ka midka ahaayeen Midawgii Sofiyatiga, Roomaaniya, Jegoslofaakiya, Itoobiya, Soomaaliya iyo kuwo kale oo badan oo kacdoon shacbi iyo kala furfuran hareeyey.

Dhanka kale waxaad ku tusaale qaadataan dagaalada diiniga ah iyo kuwa issirka ah iyo kuwa qabaa'ilka ahaa oo sannadihii u danbeeyey ka kala dhacayey ilaa soddon bogcadood oo ku kala yaalla meelo aad u kala durugsan oo adduunka ka mid ah. Dhanka kale waxaad eegtaan isu-imaadka Yurub iyo Isbahaysiga Dhaqaale ee Bariga Fog iyo Heshiiska Ganacsi ee isku xira qaaradda Ameerika oo mid waliba istaraatiijiyadiisa leeyahay.

Haddaba, haddii aan intaas kaga soo kobsado waayo-sheegga adduunka maanta iyo wax yar oo aan ka tibaaxay in aan qorshihiisa loo wada sinnayn, waxaan isugu soo hoorinayaa in aad fekerkiina ku salaysaan aragtida casriga ah iyo la jaanqaadka adduunkan wax walibi xawliga ku socdaan oo sida dhakhsaha leh isu beddelayaan. Waxa labaatankii sanoo ee ugu danbeeyey dhammaaday gumaysigii iyo midabtakoorkii xanuunka badanaa ee dalalka xoogga badani ay ku gabood falayeen kuwii itaalka yaraa oo ay hadda kaalintiisii beddeshay isku muquunin farsamo, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ka sii xeeldheer durugsan kii hore.

BURHAAN JAMAC: Waa ra'yi kuwajahan Puntland GUJI

Sidaas darteed, waxa hubanti ah inuu jiro isbeddel qowmi ah iyo mid ruuxi ah oo la jaanqaaday qarnigan 21-aad iyo qorshe aad looga baaraandegay oo dhaqan-dhaqaale, kaasoo aan weli laysku waafaqsanayn sida loogu simanyahay faa'iidada ka dhalata iyo saamaynta uu yeelan karo.

Marka laga duulo tilmaamahaas kooban ee aan soo sheegay, waxa si buuxda u muuqanaysa in mas`uuliyiinta hoggaamineed ee qaranku ay noqdaan kuwa wacyi ahaan ka sarreeya dadweynaha ay u taliyaan kana huffan dhammaan dhaliilaha asaagood ka reebi kara. Waxa loo baahan yahay in madaxda qaranku ay isku kasoonaadaan si dano gaar ahaaneed uga majaro-habaabin yoolka ay higsanayaan oo carqalado badani ku hareeraysan yihiin.Waxa kale oo iyana lama huraan ah in madaxnimada iyo maarayntuba ahaadaan kuwo u qalma casrigan oo caqligu taliyo.

Arrimaha Soomaaliya

Burburkii dawladdii Soomaaliyeed oo hadda kow iyo toban sano laga joogo oo mar keliya laga waayey kaartada adduunka ayaa tusaale innoogu filan sida qallafsan oo uu isbeddelka istaraatiijiyada adduunku u socdo iyo sida naxariisdarrada leh ee uu u saameeyey dawladihii majarhabawga iyo kelitalisnimadu aafeysey.

Ummadda Soomaaliyeed oo aan dagaalada sokeeye waayo-arag ku ahayn ayaa waxa garbaduubay hoggaan-li`i iyo hanasho-la`aan xaaladeed oo ragaadisay wada tashigooda isla markaasna aanay ka marnayn gacmo shisheeye oo bud-dhigeen u noqday gacan-ku-haynta amuurohooda, taasoo faraha ka baxday oo wax xal ah loo waayey. Waxa lagu hungoobey in ka badan 16 shir oo lagala soo qaybgalay; waxa bulshaweynta adduunku faramaran kala hoyatey gurmadyo balaayiin doollar ku baxday, waxa la cilinsaari waayey khilaafka Soomaaliyeed oo cid kastaba caajisgeliyey.


DOOD FURAN: Dood cilmiyeed kusaabsan Puntland Kaqayb.qaado

Dib-u-heshiisiin-la`aanta Soomaaliya oo waxyaabaadka ugu waaweyn oo loo aanayn karo ay ka mid yihiin islaweyni qabiil iyo tayoxumi guud ahaaneed, qabyaaladda oo xoogaysatay iyo qarannimada oo daciiftay, xeer la'aan la qaayibay iyo xoogga oo lagu tashaday, faragelin shisheeye iyo kala-fogaansho ummadeed, xaaraan la daafacayo iyo xaqa oo aan layska indhatirayo, qabqablayaashii oo laga talogelinayo aayatiinka dalka iyo bulshaweynta dulman oo madasha ka maqan, dano laga leeyahay iyo demanaan shacab iyo ugu danbayn dalka oo aan cidi metelayn ayaa wiiqay rajadii dib-u-dhiska Soomaaliya, taasoo keentay in gobol waliba gaarkiisa isu taag.

Waxaan rumaysnahay in aanay fududayn wax-ka-qabashada arrimaha Soomaaliya oo ay sannad walba, oo ay soo kala maqnaydba, uu soo murgyey cilladihii horeba loogu taagla'aa. Islamarkaasna waxa innagu waajib in aynaan ka hadhin raadinta qaranimada Soomaaliyeed oo lagamamaarmaan ka dhigaysa in aan ka yeelano qorshe rasmi ah oo aynu ku muujinno mawqifkeena siyaasadeed iyo kan dib-u-heshiinta Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in aynu la hortagno shirarka wadaniga ah, kuwa heer-goboleedka ah iyo kuwa caalamiga ah oo danaheena lagaga hadlayo.

Haddaba, si aan idiin siiyo kalsoonidayda islamarkaasna idiinku dhiirrigeliyo ka fekerka ammuurtaas, ayaan idiin caddaynayaa in aanay jirin wax xiriir gaar ahaaneed ah oo aannu arrinta dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed iyo waxyaabaadka ku taxaluqa, ha noqoto koox siyaasi ah ama koox diimeed e, aannu cidna ka leenahay.

Shirweynihii I-aad


BAAQ NABADEED: Gudiga Abaabulka Nabadaynta iyo Midaynta Puntland GUJI

Sidaad la socotaan, markii muddo toddoba sannadood ah lagu guulaysan waayey in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, ayaa bartamihii 1998-dii waxa shacbiga gobolada Bari, Sanaag, Sool, Nugaal, Mudug iyo degaamada Buuhoodle isugu yimaadeen magaalada Garoowe oo ay si rasmi ah ugu qabsadeen Shirweynihii 1-aad ee Dastuuriga ahaa oo ay saddex bilood dabadeed ku go`aansadeen inay ku dejistaan Axdi-Qaarameed saldhig u noqda aasaaska Dawlad-Goboleed u gaar ah oo ka mid ah Soomaaliya oo una silsaaran maamulka dawliga ah iyo maaraynta danaha shanta gobol ee Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo deegaamada Buuhoodle. Isla shirkaasna waxa lagu doortay Madaxweynihii iyo Madaxweyne-ku-Xigeenkii 1-aad ee DGPl, iyadoo muddo yar dabadeedna ay degaamada Puntland, markii ugu horraysey iska soo xuleen xubnihii Golihii ugu horreeyey ee Xeerdejinta DGPl.

Go`aamadii Shirweynihii 1-aad ee Dastuuriga ahaa, oo ay muddo saddex sano ah hoggaaminayeen mas`uuliyiintii loo xilsaaray ayaa waxqabadkoodii dhincyo badan laga eegi karaa. Waxa jirtey in magaca Puntland oo ka soo shaacbaxay Geeska Afrika inuu u noqday gabbaad siyaasi ah oo dadka ku abtirsadaa dugsadaan. Waxa dawladdii hore ku guulaysatay inay si guud ahaaneed u dhisto haykal maamul-Goboleed aan sidii loo rabey u dhammaystirnayn oo isku xira shanta gobol iyo degaamada Buuhoodle.

BAAQII: YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR GUJI

Waxa intaas barbarsocdey dhaliilo badan oo uu yeeshay maamulkii hore; kuwaas oo ay ugu mudanaayeen ku takrifalka hantida qaranka, ku guuldarraysigii fidinta maamulka, dhawris la`aantii sharciga, caddaalada iyo xuquuqda muwaadinka iyo ku fashilankii siyaasadda gudaha iyo tan debeddaba. Inkastoo ay dawladdii hore fursad ballaaran haysatey haddana marba marka ka sii danbaysa ayay soo yaraanaysey tiqadii uu shacabku ku hayey, taasoo sannadkii ugu danbeeyey ee cimrigeeda dhaliysay in si bareer ah looga hortago.

Markuu maamulkii hore ku guuldarraystay inuu fuliyo waajibaadkii dastuuriga ahaa ee loo xilsaaray ayaa isagoo aan kalsooni ku qabin naftiisa kana cararaya in xukunka dalka lagula tartamo ayuu doorbiday inuu si gabbasho la'aan ah isu hortaago doonista shacabka iyo inuu garabdhiibsho fulinta qodobada Axdi-Qarameedka. Isagoo ficiladaas ku lammaaninaya cudud-sheegad iyo caburin uu kula kacay intii ka dhiidhiday amarkutaaglayntiisa, taasoo dhalisay dhacdooyinki xiriirka ahaa ee sannadkii hore ka dhacayey magaalo-madaxda Garoowe, Gaalkacayo, Qardho, Boosaasoba iyo guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo maamulkii hore uu ku qudhgooyey muwaadiniin fara badan oo xaqdarrada ka dhiidhiyaya.

BAAQII: Maxamed Abshir, C/laahi Hoolif iyo C/Risaq X. Xuseen GUJI

Falgalka Qodobka 32.4 ee Axdi-Qarameedka Puntland iyo kalsoonida Isimada iyo shacbiga Puntland oo si buuxda u taageeray ayaa udubdhexaad u ahayd in Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Xaaji Nuur uu si ku meel gaar ah u ula wareego xilkii madaxweynanimada, isagoo isla markiibana ku dhawaaqay oo mudeeyey Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa ee Dawlad-Goboleedka Puntlqand.

Tallaabooyinkaas dastuuriga ah iyo ku dhiirrashada hirgelintiisa ayaa waxay amaan ka heshay dawladaha iyo dadyawga caalamka ah oo aan u bogin oo keliya, balse u qaatay daraasad tijaabo-bax ah oo lagu dhigo jaamacadaha adduunka. Shirweynihii II-aad

Waxa mar kale isu yimi shantii gobol iyo degaamadii Axdi-qarameedku ka dhexeeyey… waxa guulaysatey sharcigii iyo doonista shacabkii lahaa… waxa guuldarraystay amarkutaaglayntii iyo intii yarayd oo ku danaysanaysey… waxa sugantay midnimadii la kala dhantaalay ee DGPl… waxa saddex sano oo kale la cusboonaysiiyey Axdi-Qarameedkii… waxa la doortay Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii dawlad-goboleedka Puntland… waxa si rasmi ah u soo ebyamay Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa.

QAYLO DHAAN NABADEED: Waxaa wadajir usoo saaray: Cabdirisaaq Xaji Xusen, Cabdullahi Holif, Maxamed Abshir Muse, dhigicdhigic, Muuro, Prof. Fisiko, Eng. Jeylaani, Cali Koor, Haybe iyo Ladane Saalax GUJI

Toddoba casho dabadeed, ayaa Cabdullaahi Yuusuf weerar ku soo qaaday gurigii aan degganaa, halkaas oo ay ku geeryoodeen shan muwaadin oo daafacayey sharafta qaranimada Puntland, halka ay kuwo kale oo farabadanina ku dhaawacmeen. Qorshaha gacan-ku-dhiiglanimada ah ee Cabdullaahi Yuusuf waxa uu ahaa inuu gacantiisa ku burburiyo go`aamadii Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa si uu kala daato oo uu khalkhasho midnimada Puntland. Tallaabadaas waxshinimada ah, oo xagga Rabbi ka suurtoobi weydey, ayaa waxa lagaga badbaadey dhagartiisii uu debed iyo gudaba u kaalmaysanayey.

Anigoo ka taxaderaya inaan dhiig kale ku daadan dalkeena islamarkaasna tixgelinta weyn siinayna xagga nabadda ayaan si taxader leh u maamulayey arrinta Cabdullaahi Yuusuf, oo aan ilaa hadda ka waantoobin dhagartii uu la dabasocdey ummadda Puntland iyo maamulkeed raaddhaqaaq ah. Waxaan diiday in weerar lagu qaado Magaalo-madaxda uu sida sharcidarrada ah uu u joogo…waxaan fursad siiyey in garashada dadku ku baraarugto damaca ka qotada dheer kursi lagu looltamo iyo khilaaf siyaasadeed, balse ku salaysan fekrado shisheeye iyo cadaawad loogu labalaxaadsaday burburinta Puntland, taasoo ay daliil u tahay sidii ku tiiqtiiqsiga lahayd ee gobolada dalkeena loogu soo hagayey duqayntii Marakykanka iyo xulafadiisa oo xag Rabbi ka baaqataye aan cadaawuhu sinaba ugu teeladhigan inuu halkan ka dhigo goob dagaal, taasoo aannu, in mar ka badan, beeninay in dalkayaga ku sugan tahay ururka Al-Qaacida, oo uu Maraykanku ku eedaynayo inay ka danbaysey dhacdadii 11-ka Sebtambar oo naxdinta lahayd.

Si aan ugu hortagno beenabuuradaas, waxa lagama maarmaan noqotay inaa labo jeer socdaal ugu baxo dalka dibaddiisa oo aan ku soo qanciyo dawladaha waaweyn iyo inta ay wax ka maqlaan, kuwaas oo aannu si waaqici ah u soo hordhigayney kana saarnay tuhmaadkii la geliyey iyadoo aannu goob kastana ugu sharraxayney xaaladda runta ah ee ka jirta dalkeena iyo sida looga faa`iideystey oo danaysiga gaar ahaaneed ku liffaaqan yahay…


BAQII: BEELAHA GERI KOOMBE GUJI

Muddadii saddexda bilood ahayn ee aannu ku jirney xaaladda degdegga ah, waxa khasab nagu noqotay in aannu dalka u diyaarino difaac shacab iyo in dhammaan ilaha dhaqaalaha loo jaheeyo uririnta, taakulaynta iyo tababarrada ciidamada maliitsiyada ah. Waxa kale oo dhaqaale ahaan aad noo curyaamiyey deyman xad-dhaaf ah, oo aan weli fari ka qodnayn, oo aannu ka dhaxalnay maamulkii hore iyo Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa.

Inkasta oo dadkeena qaarkiis uu nagu dhaliili karo dulqaadka iyo ka fiirsashada ay waayo-aragnimada iyo sama-ka-talintu saldhigga u tahay, haddana waxa aan ku guulaysanay in aanay xaggeena ka iman tallaabo uu dhiig ku daato, maxaayeelay, waxa aan hubaa inaad ila rumaysantihiin in labada dhincba aan innagu ka mas`uul nahay oo Rabbina inanagla xisaabtami doono.

Mudanayaal,

Waxa laysku waafaqsan yahay in dhismaha DGPl uu yahay qaab ku ugub siyaasadda adduunka iyo maamulka aadamaha, waayo waxa uu iswaafajinayaa xeer-dhaqameed ay saldhig ruuxiya u yihiin beelo qeedhiinka wax ku qaybsanaya iyo Axdi-qarameed casri ah oo u xilsaaran inuu taabbogeliyo maamul dawli ah oo ku shaqeeya dastuur cid kasta ka madaxbannaan. Isku-dhafka nidaamkaas, oo aan meelo badan iska qaban karin ayaa loo aanayn karaa khilaafaadka aasaasiga ah oo aan qaarna soo aragnay kuwo kaloo badanina innoo harsan yahay.

BAAQII: Assad Suldaan Mohamoud Suldaan Haybe GUJI
BAAQII: Dr Sureer Abshir Muuse Mataan GUJI

Inkastoo ay sidaas tahay, waxa haddana aad laynoogu bogaadinayaa sida xilqaadka leh oo aynu u ambaqaadnay dhismaha isu-maamul-goboleed shaqayn karaya oo aan gacmeheena ku samaynay kuna wadno maankeenna iyo maalkeenna iyadoo aynu islamarkiibana muujinay inaan awood u leenahay daafaciisa… Waa maamul aan ku faani karno oo tixgelin weyn ka haysta cid kasta oo wanaaggeena jecel… Waa maamul lagu rajo weyn lagu qabo inuu horseed u noqon kara ummada Soomaaliyeed oo uu hoyga u noqday…

Intaas markaan ka soo gudbo, waxaan aad uga xumahay in aan idinla socodsiiyo inay jirto halis baaxad weyn iyo qorshe cadow oo ku liddi ah jiritaanka DGPl… waxa jirta talo ka dhan ah aayo-ka-talinta shacbiga aynu ka wakiilka nahay oo la damacsan yahay in xoog lagu muquunsho… waxa aan qarsoonayn jiritaanka abaabul ciidan oo dhiig uu daadsho mooyaane aan wax kale ku qancayn. Haddaba, waxa kalfadhigiinan la gudboon inuu si wadaniyad leh ugu labalaxaadsado ka talo bixinta xaaladdaha qallafsan ee uu dalku ku sugan yahay, u-tabaysiga difaaca qaranka oo muqadas ah iyo sugidda midnimada shacabka Puntland oo dhaawac weyn la gaarsiiyey.

Inkastoo ilaalinta iyo badbaadinta midnimada Dawlad-Goboleedka Puntland ay tahay waajib dastuuri ah oo muwaadin kasta ee innaga mid ah dusha ka saaran, ayaa haddana waxa jira in beryahan danbe uu culayska ugu weyni saarnaa gobolka Nugaal iyo shacabkiisa oo si wadaniyad leh ugu dhabar adaygay ugana hortegay muquuniskii Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamadiisa marin-habawga ah. Anigoo ka faa'iideysanaya kanshadatan qaaliga ah, waxaan shacabka Puntland, waxaad ii oggolaataan in aan magaciina, kan dawladda iyo kan shacbiga Dawlad-Goboleedka Puntland u mahadnaqo isimada, nabadoonada, guurtida, mas'uuliyiinta gobolka, saraakiisha, ciidanweynaha, ardayda, haweenka iyo dhammaan muwaadiniinta gobolka Nugaal oo ku ammaanan oo xad-dhaaf ah ku mutaystay sidii ay u dhirindhiriyeen nabad aan dhinaca kale oggolayn.


SHIIKE: Isbadalka Laban Bari Ee Puntland GUJI

Waxa kale oo iyana ina sugaya hawlodawli ah oo intooda qarsooni ay tobanjibbaar ka badan yihiin intooda muuqata… waxa laynaga dhawrayaa wax-u-qabashada dad boqolkii sano ee inna soo dhaafay aan arag daacadnimo iyo dawladnimo dhab ah… waxa inala gudboon in aan ambaqaadno baraarujin baaxad weyn oo ku wajahan bulsho ka aaminbaxday madax iyo maamulba oo aanay run uga baran… waxa inaan toosino maamul lagu bartay musuqmaasuq, ku danaysi iyo fadhiidnimo… waxa loo baahan yahay in aan isugu tagno kor u qaadidda dhaqaalaha, la dhagaalanka sicirbararka iyo shaqo la'aan oo boqolkiiba 90% kor u dhaaftay… waxa dadkeennu innagu qiimayn doonaa sidaan u qaabilno arrimaha bulshada, sida: caafimaadka iyo waxbarashada oo aad u hooseeya… waxa aan inna sugayn sugidda ammaanka iyo midnimada Puntland oo gacmo badani ku jiraan.

Haddaba, si waajibaadkaas tiro-dhaafka ah u gudagalno, waxa lagmama maarmaan ah in aan afkaarteena midayno oo is-aamin, isku kalsoonaan iyo walaaltinimo ku wada shaqayno. taasoo ah wadada qura ee aan ku beddeli karno wejiga dawladnimo iyo hanashadeeda hanashada wadisteed, oo sida hadda loo yaqaan iyo siday dhab ahaanteedu tahay ay aad u kala geddisan yihiin, ayaa innooga baahan inaan isugu geyno awooddeena oo dhan. Mudanayaal, Waxaan ugu danbayn, waxaan idin xusuusinayaa in mas'uuliyadda la idiin dhaariyey uu ka mid yahay guulihii dastuuriga ahaa ee ay ummadda Puntland si isdabajoogga ah u gaaraysey oo soo qabyotiraya dhammaystirka hoggaaminta dalka… Waxaad maanta qaaddeen xil aad u culus oo uu shacabkeennu idiinku wakiishay inaad xeerarkiisa u dejisaan, kuwaas oo annagana waajib nagaga dhigaya in aannu u fulino sida aad u xeerisaan.


EAU: Horumarka ay gaartey Jaamacada Bariga Afrika http://somalitalk.com/eau

Waxaan kuwada jirnaa hawl qaran oo tusmo ahaan iila eg "inaan wada saarannahay dayuurad oo hagiddeedu ka dhexayso saddex duuliye" … Waxa innaga dhexaysa shaqo wadareed oo haddaan laysla wada qaban aan cidina gaar uga badbaadey… waa sharaf, ka midhadhalinteeda aan cidina gaar u lahayne aynu wadaagno…

Kol haddii ay sidaas tahay, waxaan idinka codsanayaa inaad danta guud ka horraysiisaan shaqo kasta uu aad qabanaysaan…Waxaad u kala danbaysaan, sidaad rabtaan in dawladdeena iyo dadkeennuba u kala danbeeyo… Waa inaad tusaale u noqotaan shacabkeena sharafta leh oo magaca iyo maamuusku deeqo… Rabbi hayna waafajiyo tubta toosan …

Waad Mahadsantihiin

-Dhammaad-

DOOD FURAN....

ISHA QORAALKAN: Wargal weydiistey in aan lamagcaabin

AFEEF: Linkiyada waxaa kuxiriiriyey SomaliTalk

Febraayo 17, 2002 | Boosaaso
SOMALITALK.COM | 2002

Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya ee kusoo baxaya marka aad internetka gashid!, Guji Cinwaanka hoose


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety