.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

BAAQ NABADEED

Gudiga Abaabulka Nabadaynta iyo Midaynta Puntland.

BAAQ NABADEED 

Waxaa si xushmad, xaq-dhowr  iyo qaddarin weyn leh loogu baaqayaa shacabka Puntland Nabad-Nabad-Nabad, is-badbaadin, xal aan xabad ahayn iyo midnimo dhammays ah. (Baaq Nabadeed)

 

KU: Qaybaha Bulshoweynta Puntland 

KU: Siyaasiyiinta Isku khilaafsan hoggaanka maamul goboledka Puntland

 KU: Dhammaan gobollada Puntland iyo degmada Buuhoodle 

KU: Dhammaan Isimada geyiga Puntland

 KU: Dhammaan Culumaa’udiinka Deegaamada Puntland 

KU: Dhammaan Jaaliyadaha u dhashay deegaamada Puntland 

Taariikh: 27/01/02

 

UJ:  CODSI IN SI QIIRO LEH LOOGU WADA DABECSANAADO, XILNA LA ISKA WADA SAARO JIRITAANKA IYO   BADBAADADA PUNTLAND

Marka hore mahad waxaa iska leh Rabbiga awoodda leh oo aan cidina la wadaagin maamulka koonka aynnu ku nool nahay iyo wax kasata oo ku dhexsuganba. 

Marka labaad. Sida aan la wada soconno, markii aan 7 sano iyo 6 bilood ku jirnay burbur iyo qaran la’aan sababay dagaallo sokeeye kuwii ugu xumaa, kana sii-daraya, aayatiinka Somaliya ku ururay booraan dheer oo mugdi ah, dalkiina u kala jajabay qaybo halaag adduun badidood ku habsaday, dunidiina ka huleeshay kana samirtay xal u helidda Somaliya, waxaa Isimada, Waxgaradka, Culamaa’udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada iyo guud ahaan shacabka isir wadaagga ah ee Puntland 1998 go’aansadeen kuna guulaysteen shirweyne lagu suuro galiyay nadaam dawladeed  heer goboleed ah, si looga baxo fowdada, looga gaashaanto xaaladaha qalafsan ee jiray, bulshadana hantidooda loogu horseedo daryeel iyo horumar la taaban karo, maadaama Nabad iyo barwaaqo ka jireen Puntland. 

Riyadii laga lahaa helitaan  maamul goboleed u dhexeeya beelaha Puntland waxay ahayd in laga gudbo heer beeleed iyo in la suuragaliyo hannaan si wacan u haga u adeegidda bulshowaynta, hasa yeeshee markii lagaaray in doorasho horlihi dhacdo ayaa waxaa bilawday jawi colaadeed oo aan lafilayn.  

Sidaas darteed, waxaa 23/1/02 lagu qabtay hotel Huruuse oo ku yaal Bosaso shir aqoon isweydaarsi Nabadeed ahaa oo ay ka soo qayb galeen 125 qof oo ka kala socday qaybaha bulshada sida: Nabadoonnada, Samadoonada, Culimaau’diinka, Aqoonyahayka, Haweenka, Ganacsatada, Saxaafadda iyo waxgarad kale waxaana laga dooday qodobada kala ah:- 

1.     Sidee xabbadda lagu joojiyaa?

2.     Sidee Nabad lagu helaa? 

Dooddaas aqoon isweydaarsiga nabadeed ahayd, laguna xoojinayay  doodo iyo baaqyo nabadeed oo ka horreeyay, waxaa falaanqeyn nabadeed oo dheer kaddib la go’aamiyey:- 

Ø        In la dhiso guddi loogu magacdaray Guddiga Abaabulka Nabadaynta iyo midaynta Puntland

Ø        In si deg deg ah loola kulmo geesaha xabbadda isu haysta, lagana dhaadhiciyo hadafka guddiga nabadeynta iyo abaabulka loo abuuray 

Ø        In la soo saaro baaq nabadeed bulshadana la wacyigeliyo lalana socodsiiyo khatarta jirta si ay uga gaashaantaan ugana hortagaan. 

Haddaba, kulan guddiga abaabulka nabadeynta iyo midaynta yeeshay 26/1/02, isagoo si daxaddar iyo feejignaan leh u shaqaynaya, kana hufan caadifad iyo wax shuhubo iyo tuhun abuuri kara, wuxuu isku raacay qodobada hoos ku qoran:-

 

Ø  Waxaa guddigu ka codsanayaa bulshaweynta in guddiga ay ku soo biiraan dadka aqoonta, iimaanka iyo talo bixinta ehelka u ah, laguna taageero guddiga shaqadaas samo falka ah ee uu isu taagay

Ø    In qof kasta oo qaan gaar ah, kana mid ah bulshada Puntland amaba kuba dhexnool uu isu taago, heeganna u noqdo dejinta iyo ka hortegidda dhiillada colaadeed ee waayadan la soo gudboonaatay gayiga Puntland

Ø    In Puntland loo helo xal aan xabbad ahayn.

Ø    In dhammaan hubka la iskala horjeedo dhulka la dhigo, xabbaddana laga saaro.

Ø    In caqliga fiyoobi taliyo, Allena laga cabsado.

Ø   In aan hoog iyo hallaag la horseedin ee dhaqaalaha lagu dirirayo loo jiheeyo adeegyada bulshada oo dhan .

Ø   In Alle laga xishoodo, lagana waandoobo isku dirka iyo dilka dhalinyarada walaalaha ah ee aan garan Karin cawaaqib xumada ka danbeysa dagaal aan xaq ahayn.

Ø   In aan dhegaheenna u furno khayrka iyo in qof waliba nabad-galyo dadka si uu isaguna u nabadgalo.

Ø    In jiritaanka, xasiloonida iyo midaynta Puntland wax walba laga hormariyo.

Ø    In deg deg dawo loogu helo dhalinyarada la hubeeyay, lagana saaro cuqdadda iyo collaadda lagu tallaalay.

Ø    In dhammaan gobolada kale ee Puntland iyo degmada Buuhoodle dhisaan guddiyo abaabul nabdeed iyo midaynta Puntland

Ø    In dhammaan shacabka reer Puntland ka feejignaadaan kana waan toobaan iska horimaad dhexdooda ah, iskana jiraan faragelin dibadeed.

Ø        Guddigu wuxuu si gaar ah oo ehelnimo iyo aadanimo leh uga codsanayaa siyaasiyiinta iskaga soo horjeeda hoggaanka maamul goboleedka Puntland ka saaraan dadkooda cabsida, burburka iyo barakaca iyagu sababeen, gacan buuxda iyo taageerona guddiga ku siiyaan hawsha talo dhiibashada iyo dhib ka digida ah. Waxaana  shacabku xurmayn doonaan siyaasiyiintooda haddii ay fuliyaan rabitaankooda iyo maslaxadooda.

 

Ø   Sidoo kale guddigu wuxuu ka codsanayaa isimada Puntland in ay dib u soo nooleeyaan sharafkoodii iyo karaamadoodii waayadan danbe janjeersaday, ayna ka badbaadiyaan dhibaatada bulshadooda soo foolsaartay oo kala jabkoodu sababay.                

Halkudhagyada Baraarujinta Bulshada 

Bulshooy Adiga iyo Dareenkaa  

Bulshooy Nabadu waa Nolol   

 

Waxaa waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey xafiiska  Boosaaso ee  Muuse X. Siciid (Abees) [Murashaxii hore ee Madaxweyne DGPL, oo lagala xiriirikaro binali1@brtel.net

Janaayo 31, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.

NB: RAW: Unedited

Janaayo 31, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.

AKHRI QORAALKII: Cusman Salad Xirsi SOMALITALK.COM | 2002


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety