.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

ARAGTIDA DADWEYNAHA
>> Wax KU Qaata Waqtiga
>> Qoys Caafimaad qabaa dhisa Bulsho Caafimaadqabta
>> Xuseen Caydiid ma Askari Mareykan mise
>> ASTAAMAHA SIYAASIGA SOOMAALIGA
>> Siyaasiga Soomaaliga aan rabno yaa inoo haya

GO'AANKA ISIMMADA GAROWE: DUGSASHO IYO DAREENSASHABA LEH

WQ. Cusman Salad Xirsi

Sida lala wada socdo waxaa dhawaan go'aan soo saaray labo isim oo qaddarin ku leh guud ahaan geyiga Puntland gaar ahaanna gobolka Nugaal, kuwaas oo kala ah Islaan Maxamed iyo suldaan Garaase. Go'aammadaas ayaa in badan loo dhegtaagayey bal waxa ay noqondoonaan iyadoo la filayey inay waxuun ka furdaamiyaan shiddooyin siyaasadeed iyo kuwa colaadeed ee ku habsaday guud ahaan Puntland gaar ahaanna magaala madaxda dawlad goboleedka, Garowe. 

Qodobbada ugu muhiimsan go'aankaas ayaa ahaa inay labada kornayl ee talada isku haysataa, waa Cabdullahi iyo Jaamace, ay ciidammadooda iyo Cabdullahi qudhiisuba ka baxaan magaalo madaxda, taasoo loo macnaysan karo inayan midkoodna u aqoonsanayn inuu yahay hoggaamiyaha sharciga ah ee Puntland. 

Horay ayaa isimmo ay ka mid yihiin labadan isim talada uga faramaroojiyeen maamulka kornayl Cabdullahi Yusuf kuna rareen xilkaas, iyagoo adeegsanaya shir ayan reer Puntland u wada dhammayn, kornayl Jamac. Maadaama ayan labad oday iyo intii Jamac la dhistayba ayan horay u aqoonsanayn maamulka Cabdullahi, waxaa go'aammadoodan dambe laga akhrisankaraa inay Jamicii ay dhiseenna salka dhulka ugu dhufteen. Inkasta oo doodo ka abuurmikaraan cidda ay ka go'do maamul u samaynta, aqoonsiga kan xaqa ah, iyo joogidda / ka-bixidda guud ahaan magaalooyinka Puntland gaar ahaanna magaalo madaxda Garowe ayaa u jeeddada qormadaydu tahay inaan iftiimiyo waxa ka imaankara go'aammadii labada isim.

Waxaa aragtidayda mar walba ila weyn inay labada oday miisaan weyn ku leeyihiin bulshada ay masalaan, wixii ay go'aan ku gaaraan (ama sharciga Puntland ha waafaqsanaato ama yaysan waafaqsanaane) oo ay beeshooduna si u kala har-la'aan ah u taageeraanna ay u badantahay inay ka dhaqan gasho Garoowe. Haddaba miisaanka noocaas ah ayay u adeegsankaaraan burburinta ama soo noolaynta maamulka weydoobey ee Puntland.

DUGSASHADA GO'AANKII ODAYADA

Sida aynnu ognahay waxaa dadka reer Puntland guud ahaan asiibay dagaal siyaasadeed oo dhaliyey qur-gooyo, maamul la'aan, baqdin, nolol xumo, dhaqaale xumo, iyo jaahwareer siyaasadeed. Xaaladda ugu murugsanna waxay khusaynaysey magaalo madaxda Garowe halkaas oo yaal kursiga "la wada caashaqay" ee yaal guriga madaxtooyada Puntland.

Haddaba labada isim oo aan horay u soo xusay, oo dhalasha ahaanna reer Garowe ah, mas'uuliyadna ka saarantahay guud ahaan shicibka reer Garowe gaar ahaanna beesha ay ka dhasheen oo loo tiriyo inay magaalada ugu tiro badanyihiin qoys ahaan, waxaa la gudboon inay xiisadda iyo jawiga colaadeed ee halkaa ka taagan intay dhicisin karaan ay ku dadaalaan. 

Haddaba aragtidayda haddii ay ulajeeddada go'aammada labada isim ay ku koobanyihiin oo qura arrinta ammaan ee shicibka reer Garowe iyo in bal xiisadda qori-isla-hor-fadhiga ah la yareeyo, waxaa taageero ila mudan wax kasta oo lagu baajinayo dhiig dambe oo inaka qulqula iyo inayan gayigan dib dambe uga dhicin fool xumadii kugu-dhimay-kaa-dhimayda ahayd ee bilihii la soo dhaafay la inaku fidneeyey. Dabcan haddii dagaal kooxeedyadu ku sii xoogaystaan Puntland meesha foosha xun ee ay hadda marayso ayay hoos uga sii dhacin, waxaana imaandoonta mar talana dhammaatay tabarna la beelay, in badan oo hadda noolna ay god u hayato in badanna ay dhaawac ku aabaaddo. Eebbe ha ina baal mariyo, balse waa in dadaalkeeda lala yimaada oo qofwalba dhankiisa shaqaaqada ka damiyaa.

DAREENSASHADA GO'AAMMADII ODAYADA
CTML CD
Waxaa dhowaan, insha Allah, soo baxaya CD-gii ugu horeeyey oo ah HTML iyo Macluumaadka Internetka oo Af-Soomaali ah, sida ay in badan nagadalbadeen, ee lasoco dhowaan insha Allah, faahfaahina kala xiriir qoraaga email: html@somalitalk.com

Shaki kuma jiro in reer Puntland ay sii luminayaan hammigii wanaagsanaa ee ay u hayeen jiritaanka dawlad goboleedkaas taasoo ay sababtay fadqalalla ka abuurantay ishaysadka siyaasadeed ee sida rajada xun u wiiqay helitaanka maamul loo wada dhanyahay lana wada taabacsanyahay. 

Heerkii ay Puntland kaga aaddanayd Somaliweyn dhexdeeda ayaa isna maalinba maalinta ka dambaysa hoos u sii dhacaya ilaa iyo intii uu is-maandhaafka siyaasadeed halkaa ka abuurmay. Waxaa dagaal joogta ah kula jira jiritaanka Puntland kooxda ka aragtida duwan ee lagu soo dhisay Carta, kuwaasoo isu haysta dawlad qaran kuna dadaala sidii ay arrintaa uga gun gaarilahaayeen. 

Sida dastuurkii Carta ku taal, maamullada Somaliyeed waa 18 kii gobol ee horay u jirey, mana jiraan aqoonsi ay u hayaan Puntland, Somaliland, iyo wixii noocaas oo kale ah oo soo raaca. Carqaladda siyaasadeed ee ka jirta Puntland ayaad mooddaa inay u gogol xaarayso in arrini ku dhammaato sida ay reer Carta u suxul-duubayaan. Go'aammadii isimmada Garowe ayaad moodda in ay iyaguna sii bari-taarayaan soona dadajinayaan aragtida gobol gobol ee Carta u dastuurka ah. 

Ishaarada noocaas ah oo aan ka bixiyey go'aammada isimmada ayay ku xirantahay hadba sida dadka reer Puntland u fasirtaan uguna dhaqmaan go'aammadaas. 

Haddii loo daayo xal nabadeed oo qura waa hagaag oo waa taan qodobka hore ku xusay, haddiise loo fasiro qof walbow gobolka reerkaagu dego ku noqo, ogow lakala bax dhulkiina lakala yeelay, wixii ka dambeeyaana waa kala seeraysi, gobolaysi, qabiilaysi iyo sidii reer Carta rabeen. Sida hadda ka muuqata go'aanka odayada, waxaa abuuran jawi sii jaahwareeriyey mustaqbilkii Puntland, kuwaasoo hadaaqii xukun goboleedba (haba la isku haystee) meesha ka saaray, waxaana halkaa ka dhalanaya hungo maamul (power vacuum) haddii aan si degdeg ahna dadku uga tashan aan sugayno PL DoodFuranin Cabdiqasim Salad soo magacaabi doono guddoomiye gobollo u kala dhuunta Xamar. Sow dib ugu noqo ma aha hawlihii dadkeenna soo maray horraantii sagaashamaadkii, xilligaas oo ay hor-boodayaasha reer Puntland u kala dhuuman jireen dagal-oogayaashii USC. Ka-nacuudu shayddaamaday nacam yiraahdeene!!!!!!

Cusman Salad Xirsi
Ottawa, Canada
oshersi@yahoo.com

GO'AANKA ISIMMADA GAROWE: AKHRI HALKAN

Janaayo 31, 2002

AFEEF: Aragtida qoraalkaan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan.

SOMALITALK.COM | 2002


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety