Mudanayaal,
Rabbiga awoodda leh oo qura ayaa iska leh ka mahadnaqa suurtogelinta
qabsoonka shirkan aan ku furayno Kalfadhiga 1-aad
ee Golaha 2-aad
Xeerdejinta Dawlad-Goboleedka Puntland, oo aan aaminsannahay inuu baal dahab
ah ku yeelan doono taariikhda ummadda Soomaaliyeed, guud ahaan, iyo tan
shacbiga Puntland, gaar ahaan.
Kalfadhigan, oo ka tarjumaya doonista dadka iyo taabogelinta Axdi-Qarameedka
Puntland, ayaa wuxuu ku soo beegmay xilli dabeecad ahaan aad u adag oo
khalkhal siyaasadeed mid dhaqaale iyo mid nabadgelyo, oo saameyn weyn lihi,
ay jiraan. Kalfadhigani wuxuu kale oo uu furmayaa waqti ay Dawlad-Goboleedka
Puntland ku herdamayaan dimuqraadiyad curdin ah, oo haddii Rabbi idmo aan
dib u noqonayn iyo kelitalisnimo gaamurtay oo aan geerida oggolayn.
Siyaasadda Adduunka
Haddaba, si aynu isula garano xaaladda aynu ku sugannahay, waxa lagama
maarmaan ah in aynu ku horrayno qiimaynta siyaasadeed ee uu ku sugan yahay
adduunka aynu ku kor noolnahay, taasoo raad weyn ku leh duruufaha qallafsan
ee Soomaaliya la soo dersey. Waxa mudan in la ogaado in aan ku dul
dhaqannahay adduun ay hirgelayso jaangoyn hore loogu dejiyey oo ay galti ku
yihiin dadyawga aynu ka midka nahay. Waxaan uga jeedaa, shucuubta adduunku
ma wada oga xog-ogaalna uma wada aha geedisocodka siyaasadda adduunka.
Waxa uu Kalfadhigani la koowsaday qarni cusub oo cilmiga iyo aqoonta
farsamadu uu marayo heerkii ugu sarreeyey ee uu weligiis binu-aadmigu gaaro,
kaasoo sida loo noolyahay, sida loo shaqeeyo iyo dhismayaasha dawliga ahba
waxa weyn ka beddelay. Waa xilli ay bulshaweynta caalamku ku wada nooshahay
wax-wada-qabsi iyo qawaaniin ay wada dhigteen oo ka dhexeeya iyo isufurnaan
buuxda oo si weyn laysu dhexgalay; waa waqti dadku u qaybsan yahay kuwo
dhaqaale leh oo horemaray iyo kuwo u shaqeeya oo sabool ah; waa qarni ay
hoggaaminta siyaasaddu si toos ah ugu xiran tahay hantida iyo himilada uu
qaran waliba tiigsanayo; waa seben aan u-xilqarinayn kelitalisnimada iyo
amarkutaaglaynta;
|
"xilli weeye cidla lagaga tegayo ciddii aan
lahayn saxiib adag, dhaqaale xooggan iyo qorshayn sugan oo samatabixiya"
|
|
waa xilli aanu dheellitirnayn awoodqaybsiga iyo
hoggaaminta siyaasadda adduunku
"xilli weeye cidla lagaga tegayo ciddii aan
lahayn saxiib adag, dhaqaale xooggan iyo qorshayn sugan oo samatabixiya"
Isbeddelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale ee dhammaadkii qarnigii
labaatanaad oo sida isdabajoogga ah u dhacayey ayaan si kama` ah ku iman,
balse ahaa kuwo ku sargo`an xaaladda kala-guurka ah ee uu adduunku marayo.
Waxa tusaale inoogu filan sida isu-ekoonida leh ee ay u dhacayeen
isbeddeladii isku dhalanka ah ee la soo gudboonaaday dalalka ay ka midka
ahaayeen Midawgii Sofiyatiga, Roomaaniya, Jegoslofaakiya, Itoobiya,
Soomaaliya iyo kuwo kale oo badan oo kacdoon shacbi iyo kala furfuran
hareeyey.
Dhanka kale waxaad ku tusaale qaadataan dagaalada diiniga ah iyo kuwa
issirka ah iyo kuwa qabaa'ilka ahaa oo sannadihii u danbeeyey ka kala
dhacayey ilaa soddon bogcadood oo ku kala yaalla meelo aad u kala durugsan
oo adduunka ka mid ah. Dhanka kale waxaad eegtaan isu-imaadka Yurub iyo
Isbahaysiga Dhaqaale ee Bariga Fog iyo Heshiiska Ganacsi ee isku xira
qaaradda Ameerika oo mid waliba istaraatiijiyadiisa leeyahay.
Haddaba, haddii aan intaas kaga soo kobsado waayo-sheegga adduunka maanta
iyo wax yar oo aan ka tibaaxay in aan qorshihiisa loo wada sinnayn, waxaan
isugu soo hoorinayaa in aad fekerkiina ku salaysaan aragtida casriga ah iyo
la jaanqaadka adduunkan wax walibi xawliga ku socdaan oo sida dhakhsaha leh
isu beddelayaan. Waxa labaatankii sanoo ee ugu danbeeyey dhammaaday
gumaysigii iyo midabtakoorkii xanuunka badanaa ee dalalka xoogga badani ay
ku gabood falayeen kuwii itaalka yaraa oo ay hadda kaalintiisii beddeshay
isku muquunin farsamo, mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ka sii xeeldheer
durugsan kii hore.
|
BURHAAN JAMAC: Waa ra'yi kuwajahan Puntland
GUJI
|
|
Sidaas darteed, waxa hubanti ah inuu jiro isbeddel qowmi ah iyo mid ruuxi ah
oo la jaanqaaday qarnigan 21-aad iyo qorshe aad looga baaraandegay oo
dhaqan-dhaqaale, kaasoo aan weli laysku waafaqsanayn sida loogu simanyahay
faa'iidada ka dhalata iyo saamaynta uu yeelan karo.
Marka laga duulo tilmaamahaas kooban ee aan soo sheegay, waxa si buuxda u
muuqanaysa in mas`uuliyiinta hoggaamineed ee qaranku ay noqdaan kuwa wacyi
ahaan ka sarreeya dadweynaha ay u taliyaan kana huffan dhammaan dhaliilaha
asaagood ka reebi kara. Waxa loo baahan yahay in madaxda qaranku ay isku
kasoonaadaan si dano gaar ahaaneed uga majaro-habaabin yoolka ay higsanayaan
oo carqalado badani ku hareeraysan yihiin.Waxa kale oo iyana lama huraan ah
in madaxnimada iyo maarayntuba ahaadaan kuwo u qalma casrigan oo caqligu
taliyo.
Arrimaha Soomaaliya
Burburkii dawladdii Soomaaliyeed oo hadda kow iyo toban sano laga joogo oo
mar keliya laga waayey kaartada adduunka ayaa tusaale innoogu filan sida
qallafsan oo uu isbeddelka istaraatiijiyada adduunku u socdo iyo sida
naxariisdarrada leh ee uu u saameeyey dawladihii majarhabawga iyo
kelitalisnimadu aafeysey.
Ummadda Soomaaliyeed oo aan dagaalada sokeeye waayo-arag ku ahayn ayaa waxa
garbaduubay hoggaan-li`i iyo hanasho-la`aan xaaladeed oo ragaadisay wada
tashigooda isla markaasna aanay ka marnayn gacmo shisheeye oo bud-dhigeen u
noqday gacan-ku-haynta amuurohooda, taasoo faraha ka baxday oo wax xal ah
loo waayey. Waxa lagu hungoobey in ka badan 16 shir
oo lagala soo qaybgalay;
waxa bulshaweynta adduunku faramaran kala hoyatey gurmadyo balaayiin doollar
ku baxday, waxa la cilinsaari waayey khilaafka Soomaaliyeed oo cid kastaba
caajisgeliyey.
Dib-u-heshiisiin-la`aanta Soomaaliya oo waxyaabaadka ugu waaweyn oo loo
aanayn karo ay ka mid yihiin islaweyni qabiil iyo tayoxumi guud ahaaneed,
qabyaaladda oo xoogaysatay iyo qarannimada oo daciiftay, xeer la'aan la
qaayibay iyo xoogga oo lagu tashaday, faragelin shisheeye iyo kala-fogaansho
ummadeed, xaaraan la daafacayo iyo xaqa oo aan layska indhatirayo,
qabqablayaashii oo laga talogelinayo aayatiinka dalka iyo bulshaweynta
dulman oo madasha ka maqan, dano laga leeyahay iyo demanaan shacab iyo ugu
danbayn dalka oo aan cidi metelayn ayaa wiiqay rajadii dib-u-dhiska
Soomaaliya, taasoo keentay in gobol waliba gaarkiisa isu taag.
Waxaan rumaysnahay in aanay fududayn wax-ka-qabashada arrimaha Soomaaliya oo
ay sannad walba, oo ay soo kala maqnaydba, uu soo murgyey cilladihii horeba
loogu taagla'aa. Islamarkaasna waxa innagu waajib in aynaan ka hadhin
raadinta qaranimada Soomaaliyeed oo lagamamaarmaan ka dhigaysa in aan ka
yeelano qorshe rasmi ah oo aynu ku muujinno mawqifkeena siyaasadeed iyo kan
dib-u-heshiinta Soomaaliyeed oo loo baahan yahay in aynu la hortagno
shirarka wadaniga ah, kuwa heer-goboleedka ah iyo kuwa caalamiga ah oo
danaheena lagaga hadlayo.
Haddaba, si aan idiin siiyo kalsoonidayda islamarkaasna idiinku
dhiirrigeliyo ka fekerka ammuurtaas, ayaan idiin caddaynayaa in aanay jirin
wax xiriir gaar ahaaneed ah oo aannu arrinta dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed
iyo waxyaabaadka ku taxaluqa, ha noqoto koox siyaasi ah ama koox diimeed e,
aannu cidna ka leenahay.
Shirweynihii I-aad
|
BAAQ NABADEED: Gudiga Abaabulka Nabadaynta iyo Midaynta Puntland
GUJI
|
|
Sidaad la socotaan, markii muddo toddoba sannadood ah lagu guulaysan waayey
in la dhiso dawlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay, ayaa bartamihii 1998-dii
waxa shacbiga gobolada Bari, Sanaag, Sool, Nugaal, Mudug iyo degaamada
Buuhoodle isugu yimaadeen magaalada Garoowe oo ay si rasmi ah ugu qabsadeen
Shirweynihii 1-aad ee Dastuuriga ahaa oo ay saddex bilood dabadeed ku
go`aansadeen inay ku dejistaan Axdi-Qaarameed saldhig u noqda aasaaska
Dawlad-Goboleed u gaar ah oo ka mid ah Soomaaliya oo una silsaaran maamulka
dawliga ah iyo maaraynta danaha shanta gobol ee Bari, Nugaal, Mudug, Sanaag,
Sool iyo deegaamada Buuhoodle. Isla shirkaasna waxa lagu doortay
Madaxweynihii iyo Madaxweyne-ku-Xigeenkii 1-aad ee DGPl, iyadoo muddo yar
dabadeedna ay degaamada Puntland, markii ugu horraysey iska soo xuleen
xubnihii Golihii ugu horreeyey ee Xeerdejinta DGPl.
Go`aamadii Shirweynihii 1-aad ee Dastuuriga ahaa, oo ay muddo saddex sano ah
hoggaaminayeen mas`uuliyiintii loo xilsaaray ayaa waxqabadkoodii dhincyo
badan laga eegi karaa. Waxa jirtey in magaca Puntland oo ka soo shaacbaxay
Geeska Afrika inuu u noqday gabbaad siyaasi ah oo dadka ku abtirsadaa
dugsadaan. Waxa dawladdii hore ku guulaysatay inay si guud ahaaneed u dhisto
haykal maamul-Goboleed aan sidii loo rabey u dhammaystirnayn oo isku xira
shanta gobol iyo degaamada Buuhoodle.
|
BAAQII: YAASIIN XAAJI MUUSE BOQOR
GUJI
|
|
Waxa intaas barbarsocdey dhaliilo badan oo uu yeeshay maamulkii hore; kuwaas
oo ay ugu mudanaayeen ku takrifalka hantida qaranka, ku guuldarraysigii
fidinta maamulka, dhawris la`aantii sharciga, caddaalada iyo xuquuqda
muwaadinka iyo ku fashilankii siyaasadda gudaha iyo tan debeddaba. Inkastoo
ay dawladdii hore fursad ballaaran haysatey haddana marba marka ka sii
danbaysa ayay soo yaraanaysey tiqadii uu shacabku ku hayey, taasoo sannadkii
ugu danbeeyey ee cimrigeeda dhaliysay in si bareer ah looga hortago.
Markuu maamulkii hore ku guuldarraystay inuu fuliyo waajibaadkii dastuuriga
ahaa ee loo xilsaaray ayaa isagoo aan kalsooni ku qabin naftiisa kana
cararaya in xukunka dalka lagula tartamo ayuu doorbiday inuu si gabbasho
la'aan ah isu hortaago doonista shacabka iyo inuu garabdhiibsho fulinta
qodobada Axdi-Qarameedka. Isagoo ficiladaas ku lammaaninaya cudud-sheegad
iyo caburin uu kula kacay intii ka dhiidhiday amarkutaaglayntiisa, taasoo
dhalisay dhacdooyinki xiriirka ahaa ee sannadkii hore ka dhacayey
magaalo-madaxda Garoowe, Gaalkacayo, Qardho, Boosaasoba iyo guud ahaan
magaalooyinka waaweyn ee dalka, kuwaas oo maamulkii hore uu ku qudhgooyey
muwaadiniin fara badan oo xaqdarrada ka dhiidhiyaya.
|
BAAQII: Maxamed Abshir, C/laahi Hoolif iyo C/Risaq X. Xuseen
GUJI
|
|
Falgalka Qodobka 32.4 ee Axdi-Qarameedka Puntland iyo kalsoonida Isimada iyo
shacbiga Puntland oo si buuxda u taageeray ayaa udubdhexaad u ahayd in
Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Dr. Yuusuf Xaaji Nuur uu si ku meel gaar ah u
ula wareego xilkii madaxweynanimada, isagoo isla markiibana ku dhawaaqay oo
mudeeyey Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa ee Dawlad-Goboleedka
Puntlqand.
Tallaabooyinkaas dastuuriga ah iyo ku dhiirrashada hirgelintiisa ayaa waxay
amaan ka heshay dawladaha iyo dadyawga caalamka ah oo aan u bogin oo keliya,
balse u qaatay daraasad tijaabo-bax ah oo lagu dhigo jaamacadaha adduunka.
Shirweynihii II-aad
Waxa mar kale isu yimi shantii gobol iyo degaamadii Axdi-qarameedku ka
dhexeeyey… waxa guulaysatey sharcigii iyo doonista shacabkii lahaa… waxa
guuldarraystay amarkutaaglayntii iyo intii yarayd oo ku danaysanaysey… waxa
sugantay midnimadii la kala dhantaalay ee DGPl… waxa saddex sano oo kale la
cusboonaysiiyey Axdi-Qarameedkii… waxa la doortay Madaxweynihii iyo
Madaxweyne ku xigeenkii dawlad-goboleedka Puntland… waxa si rasmi ah u soo
ebyamay Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa.
|
QAYLO DHAAN NABADEED: Waxaa wadajir usoo saaray: Cabdirisaaq Xaji Xusen, Cabdullahi Holif, Maxamed Abshir Muse, dhigicdhigic, Muuro, Prof. Fisiko, Eng. Jeylaani, Cali Koor, Haybe iyo Ladane Saalax
GUJI
|
|
Toddoba casho dabadeed, ayaa Cabdullaahi Yuusuf weerar ku soo qaaday gurigii
aan degganaa, halkaas oo ay ku geeryoodeen shan muwaadin oo daafacayey
sharafta qaranimada Puntland, halka ay kuwo kale oo farabadanina ku
dhaawacmeen. Qorshaha gacan-ku-dhiiglanimada ah ee Cabdullaahi Yuusuf waxa
uu ahaa inuu gacantiisa ku burburiyo go`aamadii Shirweynihii II-aad ee
Dastuuriga ahaa si uu kala daato oo uu khalkhasho midnimada Puntland.
Tallaabadaas waxshinimada ah, oo xagga Rabbi ka suurtoobi weydey, ayaa waxa
lagaga badbaadey dhagartiisii uu debed iyo gudaba u kaalmaysanayey.
Anigoo ka taxaderaya inaan dhiig kale ku daadan dalkeena islamarkaasna
tixgelinta weyn siinayna xagga nabadda ayaan si taxader leh u maamulayey
arrinta Cabdullaahi Yuusuf, oo aan ilaa hadda ka waantoobin dhagartii uu la
dabasocdey ummadda Puntland iyo maamulkeed raaddhaqaaq ah. Waxaan diiday in
weerar lagu qaado Magaalo-madaxda uu sida sharcidarrada ah uu u joogo…waxaan
fursad siiyey in garashada dadku ku baraarugto damaca ka qotada dheer kursi
lagu looltamo iyo khilaaf siyaasadeed, balse ku salaysan fekrado shisheeye
iyo cadaawad loogu labalaxaadsaday burburinta Puntland, taasoo ay daliil u
tahay sidii ku tiiqtiiqsiga lahayd ee gobolada dalkeena loogu soo hagayey
duqayntii Marakykanka iyo xulafadiisa oo xag Rabbi ka baaqataye aan
cadaawuhu sinaba ugu teeladhigan inuu halkan ka dhigo goob dagaal, taasoo
aannu, in mar ka badan, beeninay in dalkayaga ku sugan tahay ururka
Al-Qaacida, oo uu Maraykanku ku eedaynayo inay ka danbaysey dhacdadii 11-ka
Sebtambar oo naxdinta lahayd.
Si aan ugu hortagno beenabuuradaas, waxa lagama maarmaan noqotay inaa labo
jeer socdaal ugu baxo dalka dibaddiisa oo aan ku soo qanciyo dawladaha
waaweyn iyo inta ay wax ka maqlaan, kuwaas oo aannu si waaqici ah u soo
hordhigayney kana saarnay tuhmaadkii la geliyey iyadoo aannu goob kastana
ugu sharraxayney xaaladda runta ah ee ka jirta dalkeena iyo sida looga
faa`iideystey oo danaysiga gaar ahaaneed ku liffaaqan yahay…
|
BAQII: BEELAHA GERI KOOMBE
GUJI
|
|
Muddadii saddexda bilood ahayn ee aannu ku jirney xaaladda degdegga ah, waxa
khasab nagu noqotay in aannu dalka u diyaarino difaac shacab iyo in dhammaan
ilaha dhaqaalaha loo jaheeyo uririnta, taakulaynta iyo tababarrada ciidamada
maliitsiyada ah. Waxa kale oo dhaqaale ahaan aad noo curyaamiyey deyman
xad-dhaaf ah, oo aan weli fari ka qodnayn, oo aannu ka dhaxalnay maamulkii
hore iyo Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa.
Inkasta oo dadkeena qaarkiis uu nagu dhaliili karo dulqaadka iyo ka
fiirsashada ay waayo-aragnimada iyo sama-ka-talintu saldhigga u tahay,
haddana waxa aan ku guulaysanay in aanay xaggeena ka iman tallaabo uu dhiig
ku daato, maxaayeelay, waxa aan hubaa inaad ila rumaysantihiin in labada
dhincba aan innagu ka mas`uul nahay oo Rabbina inanagla xisaabtami doono.
Mudanayaal,
Waxa laysku waafaqsan yahay in dhismaha DGPl uu yahay qaab ku ugub
siyaasadda adduunka iyo maamulka aadamaha, waayo waxa uu iswaafajinayaa
xeer-dhaqameed ay saldhig ruuxiya u yihiin beelo qeedhiinka wax ku
qaybsanaya iyo Axdi-qarameed casri ah oo u xilsaaran inuu taabbogeliyo
maamul dawli ah oo ku shaqeeya dastuur cid kasta ka madaxbannaan.
Isku-dhafka nidaamkaas, oo aan meelo badan iska qaban karin ayaa loo aanayn
karaa khilaafaadka aasaasiga ah oo aan qaarna soo aragnay kuwo kaloo
badanina innoo harsan yahay.
|
BAAQII: Assad Suldaan Mohamoud Suldaan Haybe
GUJI
BAAQII: Dr Sureer Abshir Muuse Mataan
GUJI
|
|
Inkastoo ay sidaas tahay, waxa haddana aad laynoogu bogaadinayaa sida
xilqaadka leh oo aynu u ambaqaadnay dhismaha isu-maamul-goboleed shaqayn
karaya oo aan gacmeheena ku samaynay kuna wadno maankeenna iyo maalkeenna
iyadoo aynu islamarkiibana muujinay inaan awood u leenahay daafaciisa… Waa
maamul aan ku faani karno oo tixgelin weyn ka haysta cid kasta oo
wanaaggeena jecel… Waa maamul lagu rajo weyn lagu qabo inuu horseed u noqon
kara ummada Soomaaliyeed oo uu hoyga u noqday…
Intaas markaan ka soo gudbo, waxaan aad uga xumahay in aan idinla socodsiiyo
inay jirto halis baaxad weyn iyo qorshe cadow oo ku liddi ah jiritaanka
DGPl… waxa jirta talo ka dhan ah aayo-ka-talinta shacbiga aynu ka wakiilka
nahay oo la damacsan yahay in xoog lagu muquunsho… waxa aan qarsoonayn
jiritaanka abaabul ciidan oo dhiig uu daadsho mooyaane aan wax kale ku
qancayn. Haddaba, waxa kalfadhigiinan la gudboon inuu si wadaniyad leh ugu
labalaxaadsado ka talo bixinta xaaladdaha qallafsan ee uu dalku ku sugan
yahay, u-tabaysiga difaaca qaranka oo muqadas ah iyo sugidda midnimada
shacabka Puntland oo dhaawac weyn la gaarsiiyey.
Inkastoo ilaalinta iyo badbaadinta midnimada Dawlad-Goboleedka Puntland ay
tahay waajib dastuuri ah oo muwaadin kasta ee innaga mid ah dusha ka saaran,
ayaa haddana waxa jira in beryahan danbe uu culayska ugu weyni saarnaa
gobolka Nugaal iyo shacabkiisa oo si wadaniyad leh ugu dhabar adaygay ugana
hortegay muquuniskii Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidamadiisa marin-habawga ah.
Anigoo ka faa'iideysanaya kanshadatan qaaliga ah, waxaan shacabka Puntland,
waxaad ii oggolaataan in aan magaciina, kan dawladda iyo kan shacbiga
Dawlad-Goboleedka Puntland u mahadnaqo isimada, nabadoonada, guurtida,
mas'uuliyiinta gobolka, saraakiisha, ciidanweynaha, ardayda, haweenka iyo
dhammaan muwaadiniinta gobolka Nugaal oo ku ammaanan oo xad-dhaaf ah ku
mutaystay sidii ay u dhirindhiriyeen nabad aan dhinaca kale oggolayn.
|
SHIIKE: Isbadalka Laban Bari Ee Puntland
GUJI
|
|
Waxa kale oo iyana ina sugaya hawlodawli ah oo intooda qarsooni ay
tobanjibbaar ka badan yihiin intooda muuqata… waxa laynaga dhawrayaa
wax-u-qabashada dad boqolkii sano ee inna soo dhaafay aan arag daacadnimo
iyo dawladnimo dhab ah… waxa inala gudboon in aan ambaqaadno baraarujin
baaxad weyn oo ku wajahan bulsho ka aaminbaxday madax iyo maamulba oo aanay
run uga baran… waxa inaan toosino maamul lagu bartay musuqmaasuq, ku danaysi
iyo fadhiidnimo… waxa loo baahan yahay in aan isugu tagno kor u qaadidda
dhaqaalaha, la dhagaalanka sicirbararka iyo shaqo la'aan oo boqolkiiba 90%
kor u dhaaftay… waxa dadkeennu innagu qiimayn doonaa sidaan u qaabilno
arrimaha bulshada, sida: caafimaadka iyo waxbarashada oo aad u hooseeya…
waxa aan inna sugayn sugidda ammaanka iyo midnimada Puntland oo gacmo badani
ku jiraan.
Haddaba, si waajibaadkaas tiro-dhaafka ah u gudagalno, waxa lagmama maarmaan
ah in aan afkaarteena midayno oo is-aamin, isku kalsoonaan iyo walaaltinimo
ku wada shaqayno. taasoo ah wadada qura ee aan ku beddeli karno wejiga
dawladnimo iyo hanashadeeda hanashada wadisteed, oo sida hadda loo yaqaan
iyo siday dhab ahaanteedu tahay ay aad u kala geddisan yihiin, ayaa innooga
baahan inaan isugu geyno awooddeena oo dhan.
Mudanayaal,
Waxaan ugu danbayn, waxaan idin xusuusinayaa in mas'uuliyadda la idiin
dhaariyey uu ka mid yahay guulihii dastuuriga ahaa ee ay ummadda Puntland si
isdabajoogga ah u gaaraysey oo soo qabyotiraya dhammaystirka hoggaaminta
dalka… Waxaad maanta qaaddeen xil aad u culus oo uu shacabkeennu idiinku
wakiishay inaad xeerarkiisa u dejisaan, kuwaas oo annagana waajib nagaga
dhigaya in aannu u fulino sida aad u xeerisaan.
Waxaan kuwada jirnaa hawl qaran oo tusmo ahaan iila eg "inaan wada
saarannahay dayuurad oo hagiddeedu ka dhexayso saddex duuliye" … Waxa innaga
dhexaysa shaqo wadareed oo haddaan laysla wada qaban aan cidina gaar uga
badbaadey… waa sharaf, ka midhadhalinteeda aan cidina gaar u lahayne aynu
wadaagno…
Kol haddii ay sidaas tahay, waxaan idinka codsanayaa inaad danta guud ka
horraysiisaan shaqo kasta uu aad qabanaysaan…Waxaad u kala danbaysaan,
sidaad rabtaan in dawladdeena iyo dadkeennuba u kala danbeeyo… Waa inaad
tusaale u noqotaan shacabkeena sharafta leh oo magaca iyo maamuusku deeqo…
Rabbi hayna waafajiyo tubta toosan …
Waad Mahadsantihiin
-Dhammaad-
DOOD FURAN....
ISHA QORAALKAN: Wargal weydiistey in aan lamagcaabin
AFEEF: Linkiyada waxaa kuxiriiriyey SomaliTalk
Febraayo 17, 2002 | Boosaaso
SOMALITALK.COM | 2002
Kadhig SomaliTalk bogga u horeeya ee kusoo baxaya marka aad internetka gashid!, Guji Cinwaanka hoose