R
A'
Y
I

| Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RA'YI
Aragtida Dadweynaha
ISLAM Siiro Saxaabad Sako
QURAAN»  Xaafid Xaj Ciid.Adxa 
Qurbaha Students Guurka EAU
HTML TAARIIKH QUIZ SAMAFAL
. Kulankii Soomaalida London, Canada
. Macluumaadka Bilaha iyo Cimilada
XAYAYSIIS
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
XAYAYSIIS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Sacuudiga
Kulankii jaaliyada iyo Safaarada Soomaalida GUJI

Jaamacadda camuud ee Boorame
Warbixin kusaabsan Jaamacada Camuud GUJI
Jaamacada EAU ee Boosaaso
Warbixin kusaabsan Jaamacada Bariga Afrika GUJI
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruuca Masjidka Abuubakar ee Minneapolis, Minnesota, USA GUJI
Waa Maxay Screen Resolution
800x600 waa kan ugu badan oo la adeegsado, macneheed? si aad u ogaatid GUJI
MAQAAL: 4tii Maxamed

SOOMAALIDA SUDAN
Warixin kusaabsan Soomaali geeriyoodey Saxaraha u dhexeeya Suudaan iyo Liibiya GUJI
MAALMO MUHIIM KU AH ISLAAMKA
Maxkamada Nigera oo siideysey Safiya
Xaalka saddex Soomaalida Sweden
CIWAAN: Col. QADAAFI WAA KUMA?

Qore: Liban Afrah
libanafrah@hotmail.com

March 28, 2002

Waxa uu ka dhashay qoys daga baadiyaha kana tirsan qabiilka Badawin 1942 Gobolka Sirte, yaraantiisii aad ayuu uga duwnaa caruurta faciis ah waxa uu ku barbaaray Nacaybka reer Galbeedka. Taariikh dheer ayuu ka bartay Gumaystihii Talyaaniga sida ay ula dhaqmeen Dadkiisa, xus gaar ah waxaa ku noqatay sanadkii 1911 goortaa oo ay dileen owowgiis. Waxa uu waxbarashadiisa ka ku bilaabay Dugsi quraan. Col. Qadafi yaraantiisii waxa uu maskaxdiisa u hibeeyey sidii uu Gumeysta Talyaani dalkiisa uga saari lahaa. Waxbarashadiisa ah intii uu ku jiray 1956-1961 waxa uu abuur dhalinyaro hal adag oo firfircoon noqdana siyaasiyiin. Waxa uu jeclaa inuu fikirkiisa raaco Jamaal C/nasir oo hal hayskiisu ahaa midaynta Carabta iyo fogaynta Reer Galbeedka, si uu dariiqaas u raaco waxa uu go'aansaday inuu ku biiro Kuliyadaha Ciidanka 1963 isagoo tusaale u soo qaata Jamaal C/nasir sida uu gu guulaysat hamigiisa. 1964-tii ayuu ka qalanjabiyay Kulayadii ciidan waxaan loo diray Britain koorso aqoon kororsi ah, sanad kadib ayuuna soo laabatay. Abaalmarintiisu waxay noqotay in la siiyo jago sare oo Ciidanka. Da'diisa yar kama hor istaagin inuu abuuro dhalinyaro ku fikrad ah oo aad u nabcaystay Borortooyada ka amar qaadata Gumaystaha, Musuqmaasuq, Cadaaalad daro iyo horumar la'aan waxa ay saldhig u noqotay nacaybka uu u qabo Boqortooyada uu madaxka yahay boqor Idiris.

Markii ugu horeysay la maqlay magaciisa, col. da'da yar Mucamar al Qadafi, waxay ahayd Sep. 1 1969 kolkaas oo da'diisu ahayd 27-jir kadib markii afganbi aan dhiiga ku daadan xukunka kaga tuureen boqor Idiris. islamrkiiba waxaa xizbigiisu la magac baxay "islamic socialism" Hanti-wadaaga Islaamiga. Qadafi waxa uu qaaday talaabooyin badan oo uu ku abuurayo sidii uu carab halwadan ka dhigi lahaa asgoo ka bilaabay sadex Dal: Libiya Masar iyo Siiriya. Sida qorshihiisu ahaaba, Qadafi waxa uu laf dhuun qashay ku noqday danaha reer galbeedka waxa uu bilaabay inuu danaha guracan ee Maraykanka hor istaago waa danaha ay ka leeyhihiin Carabta. Si kacaankiisu u noqdo mid loo diirsado waxa taageero hagar la'aan ah siiyay dhaqadhaqaaqyo badan oo ka jiray aduunka: waxaa lagu yaqaan tageeradii uu siiyay halgamaagii Nelson Mondela xiligii uu la dagaalamayay Midab-takoorka, Muslimiinta Moros ee Filipines, IRA (Irash Rebablican Army), Gooni ugoosadka Busque ee Spain, Kurdiyiinta iyo Falastiin. Xiriirka wanaagsanaa ee Masar madmadow ayaaa soo galay aad ayuuna uga xumaaday ka dib markii ay heshiiska la galaan Yuhuudda 1979.

Qadafi waxa uu u beyray, maadaama aduunku u qeybsay Bari iyo Galbeed, inuu xiriir wanaagsay la yeesho Ruushka. Waa sida uu yiri Siyaad Barre markii la weydiiyay hadba dhan isku tuurka iyo dhex orodka labada Quwadood ee aduunka waxa uu yiri "ama buur ahow ama buur ku tiirsanow". Si Qadafi taas dhab ugu noqoto waxa Ruushanku ku abaalmariyay inuu siiyo diyaaradahii ugu casrisanaa ee Dal uu ruushku siiyo MIG-25, taas oo ka yaabisay Reer Galbeedka uu u midiyo tumanayo.

Maadaama Qadafi la soo kacay firfircoonaan iyo dhiiri galin wadamo kale taasi waxay u cuntami wayday Maraykanka oo Carabta ka lahaa dano aad u muhiimsan, si aan mardanbe Qadafi u murjin waxa Maraykanku go'aan ku gaaray inuu ka taqluso Conel-ka. Roland Reagan oo xilagaa ahaa Madaxweynaha maraykana ayaa 1986 amray in weerar cirka lagu dilo Qadaafi isagoo ku eedeeyay inuu argagixisada nambar kow ka yahay, nasiib wanaag waxba ma gaarsiin Qadafi ee halkaa waxaa ku qurbaxay Gabadhiisa iyo 25-qofood. Col. Qadafi sirta Reer Galbeedku meel dheer kama jarin maadaama uu saaxiib la ahaa ruushanka oo dagaal qabow kala dhaxeeyay reer galbeedka. Korneelku waxa uu u tafa-xaytay sidii uu cadowgiisa qorsheeyay inay dilaan uu uga aarsan lahaa, 2-sano kadib wareerkii lagu qaaday Qadafi diyaarad Marayanku leeyahay ayaa ku burburtay Scotland 270 qof oo saarnaydna waxba kama badbaadin. Qadafi waxa uu yiri " waan burburin karnaa Amerika sanka ayaana jabin karnaa". Waxa kale uu yiri mar falastiniinta lagu eedeeyay inay Argogixiso yihiin "haddii Abu Nadal argogixiso yahay George Washington waa Argagixiso". Co. Qadafi waxa uu noqday geesi tolwaayay markii cunoqabataynta lagu soo ragay taas oo sabab looga dhigay inuu ka danbeeyay qaraxii diyaaradda rakaabka ee ku burburtay Locarbi, Scotland 1988.

Hab u dhaqanka Qadafi Carab waa saluugtay waxayna u arkeen in uu yahay Nin da' yar oo guuxiisa ka dheereeya taasna waxa ay kaliftay in midnimada uu waday meesha ka baxday daalna meel la fadhiistay. Dhamaan Boqorada iyo Madaxda ka jira carabta waa kaligi taliyaal aaminsan in kursiga ay ku fadhiyaan uu badbaado u yahay Maraykan, haddiii uu ka caroodana kama sokaynayaan Sadam Xuseen, Fidal Castaro iyo Xasan Al-Bashir. Madaxdii aan raaligalin Maraykan iyo asxaabtiisa waxay halis u noqonayaan faquuqid (political isolation), waa dhibaatooyinka ka taagan Zimbabwe.

Si dharbaaxadaas ku dhacday uga xogxogta waxa uu u xusulduubay sidii uu Afrika uga dhaadhicin lahaa inay midowdo. Afrika oo la mideeyaa waxayn tahay calacal timo ka soo baxeen maadaama kaligi taliyaal xukunka ku fadhiyaan cimrigooda markii ay ku dhameeyaan caruurtooda u diyaarinaya dhaqaalaha dalkana ku shubanaya bangiyo shisheeye. tusaale, Mabutu Zezeko oo 30 sano xukumayay Zaire waxa uu ahaa qofka ugu hanti badan qaarada Afrika dalkiisuna waxa uu k u jiray dalalka aduunka ugu faqrisan, Beer kasta iyo Warshadkasta asaga ayaa lahaa. Mar la wareystay waxa uu sheegay in Dalkiisa uu shaqsi ahaan uga baxin karo qaanta lagu leeyahay.

Fikradda aan cilmiga ku dhisnayn ee Qadafi waxay ka qoslisay dad badan oo ka dhaadhacsiiyay inuu marka hore isi saxo oo dalkiisa laga helo Dimoqaraadiyad iyo xornimo inta uusan u gudbin Qaaradda madow ee faceed ka hartay. faqriga iyo dagaalada sokeeye ee dunida ka socda waxa ay ka jireen Afrika, waxaa u sii dheer Cuduro iyo aqoon dari. Danaha shaqsiyadeed ee madaxda afrika waxa uu sababaa inay dagaal iskaga horkeenaan labo dal halkaas ku baaba'an maal iyo mood.

Col. Qadafi waa madaxweynayaasha ugu xukun dheer aduunka, waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin kaligi taliye ah hal adag jecelne i nuu ka dhabeeyo hamigiisa. Mar wax laga weydiiyay Muslimiinta mintidka ah waxa uu sheegay inay asalraacnimadu aysan xumeyn laakiin kuwa bamamka qarxinaya ilmaha gowracaya inaysan Islaamka waxba ka ahayn oo yihiin ku burburinaya islaamka. Ciidanka wardiyeeye waa dumar, waxa uu difaacay kaalinta ay dumarku ku leeyihiin bulshada isagoo sheegay inaysan jirin wax Dumarka ka reebaya inay ciidan noqdaan.

Libiya shacabkeedu waa 4-malyan dhulkeeduna waa dhulalka ugu weyn qaaaradda Afrika, dhaqaalaha Libyia waxa uu ku tiirsanyahay Shidaalka, dadyow badan oo ka kala yimid Afrika dacaladeeda ayaa u soo shaqo tagay waxayna ka helaan soo dhaweyn maadaama uu Qadafi danaynayo afrika in mid noqoto xuduudna u dhaxeyn. Qadafi waxaa lagu cambaareeya sidii uu ula dhaqmay Falastiniyiin gaaraysa 30-kun oo ka xoogsanjirtay Libya kadib markii uu dhoobay xuduuda ay la leeyihiin Masar isagoo ku amray inay aadaan hadii ay dal xor ah leeyhiin. Waxa uu ku xumaynayay Yasir Carafat oo sheegay in Falistin dhulkooda xor yahay markii uu heshiiska la galay Isra'il.

Dhacdooyinkii (BIOGRAPHY)

1942: ku dhashay saxaraha Libyiya'
1963: waxa uu ka qalanjabiyay Jaamacadda Libiya kuna baasay Digriiga ugu sareeya.
1965: kuliyadda Ciidanka ayuu ka qalinjabiyay, guulo badan ayuu ku tilaabsaday.
1969: September 1: Xukunka ayuu ku qabsaday afganbi aan dhiig ku daadan.
1970: Saldhigyadii Ciidan ee Maraykanka & British ayuu xiray.
* : waxa uu masaafuriyay Talyaanigii dalka daganaa iyo Yuhuudii ku noolayba.
1973: shirkadihii Petorl-ka shisheeyaha ayuu qarameeyay.
*: Waqooyiga Chad ayuu weeraray muran dhul owgii.
1976: Buug la magacbaxay 'Green Book' ayuu qoray.
1977: Waxa uu soo bandhigay 'jamahiriyya'.
1979: Dowladiisa ayuu kala diray isagoo casilay dhamaan howlwadeenadii.
1986: April 15: Maraykanka ayaa weerar ku qaaday.
1990: Qabsashadii Kuweyt waa ka gaabsaday.
1993: October: 2,000 oo ciidan ayaa isku dayday inay majaxaabiyaan.
1994: May: Chad ayay ciidankiisu ka soo baxeen dibna ugu soo laabteen xuduudda.
1995: August: in la afganbiyo ayaa lagu guulaysanwaayay.
*: September:Falastiiniyiinta ayuu dalka eryay isagoo ku xumeynaya heshiiska Yuhuudda.
1996: July: Rabshado ayaa ka dilaacay kubad cag iyadoo lagu diidanaa Qadafi.
1999: February 13: Waxa uu ogolaaday in maxkamad la saaro labo nin oo loo haystay qarax diyaaradeed.
2000: Mundela ayaa codsaday in Cuna qabateynta laga qaado.
2002: Balan ayuu Qadafi ku qaaday inuu Soomaalia hiil iyo hooba la garab taaganyahay.

Qore: Liban Afrah
libanafrah@hotmail.com

WA BILLAAHI TOWFIIQ

TAARIIKHDA MANDELA - GUJI HALKAN

AFEEF: Aragtida qoraalkjan waa mid u gaara qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
.


Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety