Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxtooyada
Puntland.
Bosaso
24.03.2002
Sida laga warqabo sannadkii 1998 ummadda Puntland
waxay dhisatay
maamul-goboleed, taasoo ahayd guul u soo hoyatey
shacbiga gobollada
Bari,
Nugaal, Mudug, Sanaag, Sool iyo degaamada Buuhoodle oo
markii ugu
horraysey
gacmaha isqabsaday sidii ay burburka uga soo kaban
lahaayeen, ka dib
markii
dalku 8 sano uu dawlad laáan ahaa ayna sii fogaatay
rajadii laga qabey
in si
degdeg ah Soomaaliyi dib ugu heshiiso. Rabitaankii
shacbiga oo ku
dhaboobay
qabsoonkii Shirweynihii 1-aad ee Dastuuriga ahaa ayaa
waxa ugu
muhimsanaa
Axdi-qarameedka dalka oo lagu dhidbay haykalkii
dawliga ahaa iyo
mas’uuliyiintii wadi lahaydba muddo saddex sano ah,
taasoo ku ekayd
30.06.2001.
Kadib markii xukuumaddii 1-aad ee DGPL ay ku
guuldarraysatay inay
fuliso
waajibaadkii Axdi-qarameedku farayey, ayna isku dayday
inay si
gabba’sho
la’aan ah u garabmarto Axdi-qarameedka islamarkaasna u
jaahwareeriso
dadweynaha Puntland, ayaa Guddoomiyihii Maxkamadda
Sare Dr. Yuusuf
Xaaji
Nuur wuxuu ku tallaabsaday taabbogelinta Qod. 34.21 ee
Axdi-Qarameedka
DGPL
oo dastuurku awood u siiyey dhaqangleintiisa, taasoo
uu u helay
taageero
shacab iyo isgarabtaagga hoggaan-dhaqameedka DGPL.
Siihayihii Xilka Madaxweynaha DGPL Dr. Yuusuf Xaaji
Nuur, isagoo
taakotaako
u hirgelinaya siduu farayey Axdi-qarameedku wuxuu ku
baaqay xilligii,
goobtii iyo qabanqaabadii Shirweynahii 2-aad ee
Dastuuriga ahaa ee
DGPL, oo
ku qabsoomay Magaalo-Madaxda DGPL ee Garoowe muddadii
u dhexaysey
26.08.2001–14.11.2001, kaasoo uu caynaanka
Shirguddoonka u hayey Islaan
Maxamed Islaan Muuse.
Shirweynihii 2-aad ee Dastuuriga ahaa ee DGPL oo ay u
dhammaayeen
shuruudihii iyo ergooyinkii loo qoondeeyey (468 ergay)
ayaa goobjoog
waxa ka
ahaa 80 Isim iyadoo ay ergooyinkiisana ka mid ahaayeen
culimaa’u’diin,
ururada bulshada, xubno ka socdey jaaliyadaha Puntland
ee debedda ku
nool,
xildhibaanno, iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa
xukuumaddii waqtigu ka
dhammaaday oo ay ka mid ahaayeen; Wasiir-ku-xigeen loo
doortay
Guddoomiye ku
Xigeenka 1-aad ee Shirguddoonka, labo wasiir oo isu
taagey tartanka
xilka
madaxweynaha, wasiir kalena uu isu taagay xilka
madaxweyne ku xigeenka,
kaasoo uu ka guulaystay Guddoomiyihii hore ee Bangiga
Puntland, halka
ay
saddex wasiir oo kalena ay ahaayeen ergo caadi ah.
Shirweynihii II-aad ee Dastuuriga ahaa ee DGPL wuxuu
dhammaaday 14-kii
Noofambar 2001 kadib markii cod buuxa lagu ansixiyey
Axdi-Qarameedkii
saddexdan sano lagu dhiqi lahaa dalka looguna doortay
Md. Jaamac Cali
Jaamac
jagada Madaweynenimada DGPL iyadoo Md. Axmed Maxamed
Goalana loo
doortay
xilka Madaxweyne ku Xigeenka DGPL.
Bulshaweynta caalamka, sida qaramada Midoobay, OAU,
Jaamacadda Carabta,
IGAD, EU, Hay’adaha kale ee xogogaalka u ah arrimaha
Soomaaliya,
waxgaradka
Soomaaliyeed ayaa waxay aad ugu riyaaqeen uguna
hambalyeeyeen shacbiga
Puntland dhawrista Axdi-Qarameedka iyo udhabaradaygga
iyo taabbogelinta
sida
ay qodobbadiisu farayaan. Waxase ayaandarro ah in
guulahaas aynu kor ku
soo
xusnay aanay marna u cuntamin Madaxweynihii hore ee
Puntland
Cabdullaahi
Yuusuf, kaasoo geed dheer iyo geed gaabanba u koray
sidii uu ku
manjaxaabin
lahaa dimuqraadiyadda curdinka ah kuna caburin lahaa
rabitaanka
shacbiga.
Waxa ka maragkacaya faldenbiyeedyada foosha xun iyo
weeraradii kala
danbeeyey ee uu ku soo qaaday Bosaso, Qardho iyo
Magaalo-madaxda
Garowe,
kuwaas oo sababay dhimasho gaaraysa ilaa 60 qof iyo
dhaawacyo kala
duwan oo
gaaray ilaa 132 muwaadin, iyadoo barakac iyo qax baday
dadweynihii
degganaa
Magaalo-Madaxda Puntland ee Garoowe.
Colaad-oogidda, isgensi-abuurka shacabka walaalaha ah,
kala qoqobka
gobolada
iyo u-labo-laxaadsiga burburinta Puntland ka sokow,
waxa madaxweynihii
hore
adeegsaday dacaayado iyo been-ka-abuur raqiis ah oo uu
la beegsaday
falgalkii lagaga hortegayey argagixisada caalamiga ah.
Iyadoo dacallada la haysto oo aan dad iyo dal mooyee
aan waxba ka
dhaxlin
maamulkii hore, ayuu maamulkii la soo doortay ku
tallaabsaday
amboqaadka,
dhammaystirka iyo dhaqangelinta haykalka dawliga ah.
Caqabadaha hortaagan taabbogelinta buuxda ee maamulka
cusub waxa ugu
waaweyn:
- abaaraha ba’an ee ka jira boqolkiiba 70% degaamada
Puntland;
- qalalaasaha iyo colaadinta Cabdullaahi Yuusuf iyo
inta yar ee la
socota;
- hiddaha ku dhaqanka dimuqaraaddiyadda oo aan si weyn
uga hanaqaadin
Soomaaliya, taasoo keenaysa jiitan farabadan iyo
baahida loo qabo in
madaxda
iyo shacabkuba ay u jara-bartaan hannaanka cusub.
Munaasabaddan waxaan ugu tala-galnay inaan ka
xog-warranno
isla-markaana ku
caddeayno mowqifka Dawlad- Goboleedka Puntland ee ku
aaddan Hindise ku
tilmaaman “Nabadda, Dibuhesiinta iyo ka hortagga
khilaafka ee
Puntland”.
Hindisahaas waxaa maal-gelinaya Hayádda SIDA, waxaana
hirgelinteeda u
Xilsaaran Hayádda Dikonia, oo labaduma ka tirsanyihiin
Dalka Sweden.
Inkasta
oo aan qirayo in Hayádda Diakonia ay Puntland ka
qabatay hawlo
dhaxal-gal ah
oo aannu si weyn u quud-darraynaynaa inay sii
kordhiso, gobollada
Puntland
oo dhanna ku fiddo, Dawlad Goboleedka Puntland wuxuu
aad u qoonsaday
qaybo
ka mid ah nuxurka qoraalka hindisuhu xambaarsanyahay
iyo sansaanka
amba-qaadkiisaba.
Nuxurka qalalaasaha siyaasadeed ee Puntland ka jira
waxaan u aragnaa
inuu u
dhexeeyo shacabweynaha Puntland oo goostay inuu ku
dhaato shirciyadda
dastuuriga ah ee uu degsday iyo koox yar oo uu hormuud
u yahay
Madaxweynihii
hore ee Puntland oo goostay inay cabburiyaan hanka
himilada dadweynaha.
Majaraha siyaasadeed ee Maamulka Puntland waxaa udub
dhexaad u ah
inaan
weeraradii colaadeed ee kooxda Madaxweynihii hore ee
Puntland uu
hormuudka
ka yahay aan lagaga fal-celin weerarro kale ee fursad
la siiyo talinta
miyirka iyo bislaynta shacabka. Siyaasadda
nabad-raadinta ee Maamulka
iyo
shacbka waxaa laga gaaray natiijooyin la mahadiyo
ayada ayaana sabab u
ah
xakamaynta ololihii colaad-oogidda waxaana la oran
karaa waxaa lagu
jiraa
dabayaaqadii soo afjaridda fidmooyinkii ay alooseen
kuwa u ban-baxay ka
talinta iyo maleegidda dhagaraha iyo hagardaamooyinka
loo geysto
shacabka.
Cid kasta oo gacan ka geysanaysa soo ebyidda
dhibaatada jirta, si weyn
ayaan
u soo dhooweynaa gacanna u siinaynaa. Waxaan ka
digaynaa in
geeddi-socodka
nabadda, dhiririnta xalka, xurmaynta xuquuqda
muwaadinka loo qaato
nuglaansho maamul.
Annaga oo tixgelnayna xurmona u hayno dawladda Sweden
iyo guud ahaan
dawladaha iyo hay’adaha caalamiga ah ee u heellan inay
gacan ka
geystaan
xallinta khilaafka siyaasadeed ee Puntland,
isla-markasna ay baqdini
naga
gashay in hirgelinta hindisahani (sida uu hadda uu u
qaabaysanyahay) uu
horseedo xasarad cusub, Mowqifka Maamul Goboleedka
Puntland waxa weeye
in la
hakiyo sii aambaqaadidda hinidsahaas tan iyo inta ay
isla
meel-dhigayaan
dhinacyada ay khusayso.
Saalax Xaashi carab
La-Taliyaha Madaxweynaha DGPL.
ISHA: Wargal | March 24, 2002