.


SOMALITALK.COM | Home | FreeWeb | FreeEmail | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m

SOMALITALK NEWS
Jaamac Cali Jaamac oo Aqbalay Go'aankii Isimada Nugaal

ISHA-WARKA: Wargal Jooga Boosaaso

Janaayo 27, 2002

Maanta oo Axada galinkii dambe ayaa aqalka madaxtooyada ee Boosaaso waxaa uu kaga dhawaaqay Madaxweynaha maamulgoboleedka Puntland ee Soomaaliya mudane Jaamac Cali Jaamac inuu aqbalay codsigii Isimada Puntland ee ku baaqayey in ciidamada laga saaro magaalada Garoowe si loo sugo nabada xiisadii beryahan gobolka ka jirtayna loo soo afjaro.

Madaxweynuhu wuxuu amray ciidankii daraawiishta ee Puntland kuna sugnaa magaala madaxda Puntland ee Garoowe in si ku meelgaara ciidamadaas ay ugu kala biiraan ciidamada kala jooga Bacaadweyn iyo kuwa Qardho ilaa amardambe.

Wariyaal joogay Boosaaso ayaa markaas weydiiyey madaxweynaha sababta keentay inuu aqbalo amarkaas maadaama la yiri ciidankii Puntland ee aad madaxweynaha u'ahayd haka baxaan mala oran karaa Isimadu kuuma aqoonsana inaad madaxweyne tahay? Wuxuu ku jawaabay mudane Jaamac waad la socotaan hay'ada ugu saraysa maamulgoboleedka Puntladn inay yihiin Isimadu marka anaguna iyagaan ka hoos shaqaynaa waana inaan qaadanaa amaradooda.

Hadaba markuu amarkaas bixiyey madaxweynuhu ayaa sida wararka ka imaanaya magaaladaas Garoowe waxaa xalay habeenimadiiba dadweynuhu magaalada ay arkayeen koloyo gawaarida gaashaaman iyo ciidamao usii kala amba baxaya dhanka gobolka mudug iyo dhanka wadada aada Boosaaso.

Dhanka kale kornayl C/laahi Yuusuf Axmed ayaa ku tilmaamay qoraalka Isimada daandaansi aan geedna loogu soo gaban waxaana uu ku adkaystay inuu sii joogi doono Garoowe cidii isku daydana inay carqaladayso joogistiisa uu jawaab siin doono waa sida uu hadalka udhagaye.

Wali ma cada talaabada ay qaadayaan Isimadu hadii kornayl C/laahi ku adkaysto diidmadiisa inuusan ka bixin Garoowe.

ISHAWARKA: Wargal jecel in aan lamagcaabin oo jooga Boosaaso. Janaayo 28, 2002

Go'aankii Isimada Nugaal


MACLUUMAAD

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
PL DoodFuran Somalitalk.com/puntland



Copyright © 2002 somalitalk.com. All rights reserved. Privacy


Saxaabada | Baro-HTML | Zakaat | Xajka | Sombeauty | Kids-Safety