Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK NEWS

"QARAXYADII DHACAY 11-KII SIBTEEMBAR YAA KA DANBEEYAY?"

ISHA QORAALKAN: http://www.copvcia.com/stories/dec_2001/portland.html

Sida uu shaaca ka qaaday mas'uul sare oo ka tirsanaa booliiska gobolka Los Angeles ee dalka Mareekanka ayaa sheegay in dowladdiisu ay qayb libaax leh ka qaadatay weeraradii lala beegsaday xarunta ganacsiga caalamiga ee World Trade Center taarrikhdu markay ahayd 11-kii sebteembar ee sannadkii tegay.

Muxaadaro laga dhigay Jaamacadda gobolka Portland, socotayna labo saacadood iyo bar ayaa guud ahaan lagu soo bandhigay caddeymaha la xiriira ciddii ka danbeysay iyo sababtii keentay weeraradii dhacay ka dhacay dalka Mareekanka 11-kii sibteembar. Waxaa muxaadaradan ka soo qayb galay dadyow fara badan oo ka kala yimid qaar ka mid ah gobollada uu Mareekanka ka kooban yahay sida gobolka Seattle iyo San Francisco, waxaana soo jeedinayay muxaadarada Mike Ruppert oo ahaan jiray sarkaal sare oo ka tirsanaa booliiska Los Angeles.

Qofkii ii keena macluumaad kale ha qaato 1000 USD

Mike Ruppert wuxuu ugu horeyntii ka soo qayb galayaashii muxaadarada u sheegay, in qofkii la yimaada caddeymo beeninaya macluumaadkiisa uu abaalmarin u siin doono 1000 USD. Intay socotay muxaadaradana, wuxuu Mike Robert soo bandhigay sawiro muujinaya in xukuumadda Mareekanka ay ka qayb qaadatay, ayna ogeydna weeraradii dalkeedii ka dhacay sannadkii ina dhaafay. Waxaana warbixinta muxaadaradan oo tafatiran lagu nashriyay ama daabacay hay'adda loo yaqaano "islam fobia", taasoo u doodda xuquuqda muslimiinta ku dhaqan dalalka galbeedka.

Waxaa muxaadarada isku soo duba riday Wargayska ay Jaamacadda leedahay ee Rear Guard, uuna tifaftire ka yahay Dimitris Desyllas, isagoo aad ula yaabay tirada badan ee ka soo qayb galay muxaadarada, wuxuuna yiri "marnaba ma filanaynin inay tiradan faraha badan ay ka soo qayb geli doonaan muxaadarada, waxaana hubaal ah in dadweynuhu ay si xad-dhaaf leh u xiisaynayeen muxaadaradii aynu maqalnay, iyo waxa ay sameysay xukuumadda. Ugu horeyntii, waxaan keennay 860 kursi, hase ahaatee dadweynuhu aad ayeey u fara badnaayeen, waxayna ku qasabanaadeen qaar iyaga ka mid ah inay fariistaan dhulka". Mid ka mid ah sawir qaadayaashii sida iskaa wax u qabso u shaqeenayay ayaa ka mid ahaa Skip Mahawk, oo ka mid ahaa ciidamadii duuliyayaasha mareekanka dagaalkii Fiitnaam, wuxuuna dagaalkaas ku muteystay abaal marin weyn oo uu ka helay Congress-ka mareekanka sannadkii 1969-kii, hase ahaatee waa uu ku gacan seyray inuu aqbalo.

Xammaasaddii dadweynaha waxay cirka isku sii shareertay markii uu Mike Robert soo gudbiyay qaar ka mid ah buuggii doodda kululeyd dhaliiyay ee "The Grand Chessboard" , kaasoo uu daabacay Reganoo Baarsamniis sannadkii 1997-kii, kaasoo ahaa la taliyaha arrimaha nabadgelyada maamulkii Carter, dhinaca kalena xubin ka ahaa guddigii saddex geesoodka ka koobnaa.

Afar sanno kahor ayaa la qorsheeyay weeraradii 11-ka sibteembar!

Waxyaabihii uu Ruppert soo bandhigay ayaa ku jiray iyadoo la is tusay qariidadda bartamaha Asiya, taasoo si cad u muujisay in dagaalkii iyo weeraradii lagu qaaday Afghanistan la qorsheeyay ugu yaraan afar sanno kahor. Wuxuu tilmaamayaa buuggan baahida loo qabay in la qaado dagaal la mid ah weerarkii "Pearl Harbor".

Wuxuu intaa raaciyay Mike Ruppert in sida uu madaxa sirdoonka dalka Pakistan uu ugu diray ninka la yiraahdo Muxammad Cadha lacag gaaraysa 100 000 USD, ninkan oo la tuhunsan yahay inuu ka mid ahaa afduubayaashii diyaaradihii weeraray xarunta ganacsiga caalamiga ee WTC iyo xarunta gaashaandhiga mareekanka (pentagon). Mike Ruppert wuxuu kaloo dhageystayaashii muxaadarada hordhigay caddeymo maskaxdoodii wareerisay, taasoo sheegaysa in xukuumadda Mareekanka iyo Ingiriiska ay ciidamadooda dejiyeen gobolka, kahor intayan dhicin weeraradii lagu qaaday New York iyo Washington, iyo in maamulka Bush ay amar ku bixisay inay hay’adda sirdoonka mareekanka (FBI) ay istaajiyaan dacwadii ku socotay labo nin oo ay qaraabo ahaayeen Usama Bin Laden., waxayna waqtigaas ahayd bishii Jannaayo ee sannadkii hore.

Dadweynihii oo qiirooday

Markii uu soo bandhigay Mike Ruppert macluumaadkaas oo maqal iyo muuqaal ka koobnaa, kuna saabsaneyd ciddii ka danbeysay weeraradii 11-kii sibteembar waxaa si daran u qiirooday dadweynihii, waxayna billaabeen inay inay ooyaan. Wuxuu kaloo Mike Ruppert ku xusay muxaadaradiisa loolanka maslaxadeed ee loogu jiro mashruuca istiraatiijiyadeed ee la xiriira batroolka jamhuuriyaadka bartamaha aasiya, wuxuuna Ruppert sheegay inuu ahaa Henry Kissinger ninkii ka danbeeyay heshiiskii ku saabsanaa in batroolka qaswiin loo wareejiyo biyaha dalka Pakistan, si loogu dhoof-geeyo dalalka Shiinaha iyo Jabaan. Ugu danbeyntii muxaadaradan oo socotay labo saacadood iyo bar, ayaa markay dhammaatay dadweynihii istaageen iyagoo aad u xamaasaysan, isla markaasna sacbinayay muddo labo daqiiqadood ah.

Waa kuma Mike Robert?!

Mike Robert waa 49 jir, wuxuuna ku dhashay Washington. Wuxuu waxbarashada culuumta siyaasadda ka qaatay jaamacadda California university, wuxuuna ka soo jeedaa qoys ku caan baxay howlaha sirdoonka iyo gaashaandhiga. Wuxuu ku biiray booliiska Los Angeles, iyaga ayuu la shaqeeyay kahor intuusan dhammeyn jaamacadda. Wuxuu noqday sarkaal sannadkii 1973. Wuxuu ka shaqeeyay shan qaybood oo ka tirsan booliiska Los Angeles. Wakaaladda sirdoonka mareekanka (CIA) waxay labo jeer isku dayeen inay Robert shaqada ka fariisiyaan, mar waxay ahayd kahor intuusan ka bixin jaamacadda, tan labaadna waxay ahayd markii uu ku guuleystay inuu noqdo sarkaal dhar cad, kadib markii uu si heer sare ugu caan baxay baaritaanka la xiriira arrimaha maandooriyaasha iwm.

Sannadkii 1997-kii wuxuu Mike soo xaqiijiyay inay sirdoonka CIA ay qayb ka qaataan mukhaadaraadka soo gala dalka Mareekanka, loona soo mariyo gobolka New Orleans. Wuxuu Mike billaabay inuu kashifo, jeer markii danbe maamulkii booliiska Los Angeles ay shaqada ka fariisiyaan, waxayna ahayd waqtigaas bishii Nofeembar sannadkii 1978-kii, kadib markii dhowr jeer la isku dayay in la dilo. Laga soo billaabo waqtigaas wuxuu billaabay inuu kashifo wuxuu hayo macluumaad ah. Sannadkii 1980-kii wuxuu ka sheekeeyay mukhaadaraadka iyo sida ay CIA-du ay uga qayb qaataan howshaas, isagoo hadalkaas ka jeediyay gudaha aqalka cad, kadib markii uu soo booqday nin ay saaxiibo ku ahaayeen waxbarashada oo markii danbe noqday kaaliyaha gaashaandhiga ee Bush (aabaha) oo xilligaas hayay talada dalka. Mike Ruppert laga soo billaabo siddeetamaadkii waa qoraa madax bannaan.

ISHA: http://www.copvcia.com/stories/dec_2001/portland.html [ December 5, 2001]

GUJI HALKAN


AFEEF: Aragtida qoraalkaan waxaa lah Ka eeg haalkan


Powered by www.Somali
Talk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
WISDOM OF THE WEEK
For every human problem there is a solution that is simple, neat, and wrong. Click Here
MASJIDKA ABUBAKAR
Mashruucan masjidka oo ay kubaxayso $900,000.00 kun. waxaa hadda loo hayaa $740,323.11, warbixin GUJI..
XAWALADDA DALSAN
Xawaaladda DALSAN ee dacalada Adduunka Dalsan
KAAH EXPRESS
Xafiisyada KAAH EXPRESS ee daafaha dunida Kaah Express
SAXAABADA RASUULKA
Habnololeedkii Saxaabadii Rasuulka GUJI
SU'AALO / QUIZ
Isku day in aad ka jawaabtid su'aalaha kuqoran HALKAN
KOOBIGA DADKA
Macluumaad cilmiyeed kusaabsan Koobiyaaraynta dadka "HumanCloning" GUJI..
CYBERCRIME
Want to know more about the cybercrime
Check here

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.